Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hadalada sida loo isticmaalaayey Macno Beelay.!


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
Sc Wr Wb , Salaan ka dib waxaan mar kale jeclaystey inaan idinla wadaago Maqaalkan.

Sc Wr Wb , Salaan ka dib waxaan mar kale jeclaystey inaan idinla wadaago Maqaalkan.
Aan ku soo qaadan doono hadalo aad inta badan dhegahaagu maqlaan ama akhrido hadii uu akhris kaagu badan yahay.
 
waxaa ka mid ah kuwo aad ka maqashaan Siyaasiyiinta,Suxufiyiinta, iyo weliba dadka kale ee fikradahooda cabira soona bandhiga. Akhriste xigmad hore ayaa ahayd ´´Ragu waa ragii hore hadalna waa intuu yidhi´´ Ma run baa ? Ma been baa?
 
Tafaasiil dheer uma baahna Xigmadaasi, waayo indhahaaga ayaabad ku aragtaa maalin kasta dhegahaagana waad ku maqashaa markaa waa adigiyo garaadkaa.
Marka intaas laga yimaado waxaa jira wakhtiyo fiican iyo kuwo adag oo aadama noloshooda soo mara,kuwaas oo iyana kataga raad noocuu doono

ha ahaadee.
Tusaale dadka Somaliland ku nool waxaa soo maray wakhti adag 1980-1990 wuxuu ahaa wakhti adag oo la soo maray raad baanu ka tegey.
Cinwaanka maqaalka inagoo ku joogna hadalada sidaynu u isticmaalaynay macno beelay waxa ka mid ah kuwan soo socda.

Ictiraaf
Mujaahid hebal
Ruugcadaa siyaasi ah
Siyaasiga qudha
Ururka keli ah
Wadada Ceerigaabo
Haysta Kalsoonida ...
Dhexdhexaad ah
Caalamiga ah
Aqoonyahan
Aan la dhayalsan karin
Hormuudka
Hufnaan
Qurbo joog
Indheer garad
Aasaasayaashii
Soo dhawayn

Ereyadaa iyo kuwo kale oo fara badan waxay ka mid yihiin Hadalada sida loo isticmaalaayey macno beelay, waxaabad moodaa in layska daydo ama hadalo bartilmaameed u ah khudbadaha madaxdu jeediso, warbaahinta iyo weliba dadyawga kale



Mohamed Opil
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.