Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweyne yaan loo qaadhaamin cisbitaalka Ceerigaabo. Mustafe Cabdi Ciise "Shiine"


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
Waxa aan aad uga naxay qaylo dhaan ka soo yeedhay cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo oo ah barta keliya ee ay bulshada reer Sanaag

[Madaxweyne yaan loo qaadhaamin cisbitaalka Ceerigaabo.

 

Waxa aan aad uga naxay qaylo dhaan ka soo yeedhay cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo oo ah barta keliya ee ay bulshada reer Sanaag ka hesho adeeg caafimaad.iyadoo ragayagii hormuudka u ahaa xiligii ololaha doorashada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE uu cisbitaalkaasi ahaa boogta keliya ee aanu ka damqi jiray xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin.

Dhab ahaantii waxa reer Sanaag badh ka mid ah ay yihin kuwa aan aaminsanayn Madaxbanaanida dawladnimo ee qaranka Somaliland marka

la eego deegaanka balaadhan ee gobolkaasi ka kooban yahay in laba meelood marka loo dhigo qayb ka mid ah aanay dawlada Somaliland ka talin Suldaankii uga wakiilka ahaana uu maanta ku sugan yahay Muqdisho.

Waxa xaqiiq ah in gobolka sanaag uu yahay mid ay dayaceen]dhamaan dawladihii soo maray Somaliland, iyadoo welibana ay inta yar ay isku dayaan in ay gobolkaa ku soo jiitaana ay noqoto mashaariic lacago cadaan ah loogu dhiibo masuuliyiin ka soo jeeda bariga Sanaag oo ah dhul aanay dawladu gaadhsiisnayn maamul ahaan, halka inta calanka Somaliland ka babanayana aan waxba looga qaban oo habeen madow lala sii barbar maro dhaqaalahaasi oo ay uga danbaysay lacagtii cadaanka ahayd ee ay dawlada manta ee Siilaanyo u sii dhiibtay labada wasiir ee Cadami iyo Gacamay.

Shacabka reer Sanaag waxa intooda Somalilandnimadu ka dhab tahay ay yihiin kuwo ay mabda’iyan ka go’ antahay madaxbanaanida iyo jiritaanka qarankan dayacan ee Somaliland ee muddada dheer aan helin xitaa dawlad keliya oo aduunka u sheegta in ay waajib tahay in hoos loo eego  ummaddan dadaalka muujisay,balse waxyaabaha shakiga gelinaya shacabka reer sanaag ayaa manta laga xusi karaa in dawlad kastaa oo dalka ka dhalataa ay noqoto mid aan soo gaadhi Karin caasimada gobolkaasi oo ah runtii meel aad uga fog caasimada Somaliland ee Hargeysa oo fadhi u ah dhamaan hay’adaha Dawlada Somaliland,taasi oo noqonaysa “Dheri nin ku dhaw oo keliya ayaa laf kala baxa.”

Doodaha reer sanaag ee goobaha lagu kulmo dalkan aan joogo ee UK,gaar ahaan caasimada London ayaa aqoon yahan reer sanaag ah oo wax iska weydiiyay qaar ka mid ahina ay aad hoosta uga xariiqeen in sababta keentay dayaca gobolka sanaag in ay tahay oo keliya ka fogaanshaha, maadaama Xukuumaddii aanu filaynay inay kuwii hore u dhaanto ay maanta muuqato in anaanay wax badan ka duwanayn kuwii hore maadaama ay hadda gaadhay in loo qaadhaamo cisbitaalkii keliya ahaa ee gobolkaa baaxada weyn ka jiray ,iyadoo aanu og nahay in mushar shaqaale oo keliya aanu cisbitaal baahidiisu ahayn ee loo baahan yahay qalab iyo dhaqaale baaxad leh oo ay tahay in lagu socod siiyo hawlihiisa.

Kuwa fikirkan qabaa waxa ay is weydiinayaan in loo baahan yahay in inta la helayo xukuumad qorshe dhab ah oo jadwadeylsan “schedule) leh ama qorshe hawleed (Strategy plan) ay dalkani ka dhalanayso oo gobolka oo dhan hanata in laga hawl galo maamul u gaar ah oo wax uga doona hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa UN-ta ee dunida iyo kuwa fadhigoodu yahay  Nairoobi maadama hay’ada dalka joogaa ay soo dhaafi waayeen inta galbeedka ah oo keliya.

Inkastoo ay qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland nagu joogto qiimo aan la qiyaasi Karin oo dhiig iyo duunyoba leh, haddana dayaca gobolkani waxa uu nagu beerayaa in dadka u dhashay ay dib u eegaan ugu yaraan sida ay uga bixi karyaan dawlad xumida dalka ku habsaty oo aanay midiba mid u dhaamin gobolkan, waxa iska gudhay rajadii aanu Madaxweyne Siilaanyo ku qabnay in uu wax ka qabto waddada Ceerigaabo, kadib kolkii uu Ceerigaabo ka sheegay in aanay dawladiisu dhisi Karin, waxase tiiba sii fadhiisisay in maanta la yidhaahdo waxa xidhmaya cisbitaalkii Ceerigaabo.

Taasi waxa ay nagu keentay xubnahayagii markii horeba fara ku tiriska ahaa ee Xisbiga KULMIYE  ee ka soo qayb qaatay doorashadii madaxtooyada ee ay xukuumaddani ku timid oo marka horeba dalada iyo xisbigeeda dibada ka taagnaa in ay bidhaamihii yaraa ee jirayna sii baqtiyayaan ee aanu xisbiga taageerada ugu raadin jiray, si kastaba ha ahaatee waxa Madaxweyne aan kuu soo jeedinayaa in inta aanay talo faraha ka baxin aad dib  u eegto arrintaasi oo Cisbitaalka ceerigaabo aan loo qaadhaamin welibana aad ku hayso gobolka Isuduwaha Caafimaadka ee wakhtigan oo ah dhakhtar ay reer ceerigaabo wakhtiyo adag ku soo dhaafeen maanta na ILLAAH u soo celiyay ,haddii kale mawjadaha jiraa marka ay soo butaacan waxa iman doonta in maalmahaaga ugu danbeeyaa aad la tacaashid oo wakhtigu kaaga lumo kacdoonada ka dhashay dayaca jira, iyadoo markii horeba ay reer sanaag ka aradnaayeen ka muuqashada xukluumaddaada.

Mustafe Cabdi Ciise "Shiine" Weriye madaxbanaan, gudoomiyihii hore ee SOLJA
 
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.