Ma ogyihiin dadweynaha Somaliland in Xisbiga Kulmiye leeyahay Budhcad Interneet ?
Waxa jira Budhcad Badeed Somaliya leedahay, belse waxa ayaguna jira Budhcad Interneet Xisbiga Kulmiye leeyahay. Bucdhcad interneetka Kulmiye waa koox xin si fiican u baratay Internetka si ay ugu weerarann Shabakadaha,Computerada iyo emailada wax ka sheega Silaanyo,Xisbiga kulmiye iyo dawladda maxaysatada ah ee Xisbiga Kulmiye, meel walba la taagan bar yada. Waa kooxda u dhacda shabakadaha,computerada iyo emailada dadka.Waxa si xoog ah loo tuhunsanyahay inay yihiin kooxda ku dhacda dadka Interneetka.Waa koox sas ka qabta democradiyadda iyo xoriyatal qawlka ( hadal iyo qoraalba ). Budhcad Interneetka Kulmiye waxay werareen shabakadda dawladda Somaliland wakhtigii Xisbiga UDUB hogaanka hayey oo ay curyaamiyeen iyo
shabakaloo badan ay ka mid yihiin: shabakadda Somalilandinfo oo ay werareen joojiyeen,sababtuna ahayd shabakadda oo si fiican u sawirtay midida dheer ee u hoosta haysto ninka madaxda ka ah madaxdatooyada, taasoo u ku weerarey halisna ku geliyey shaqaalaha ka shaqayn jirey xafiiska madaxtooyad. Waxa kaloo Budhcad Interneetka Kulmiye weerar wuxuushnima ah ku qaadeen shabakadda "Halgan" oo ay ka soo werareen magalalada Hargeysa,siina mareen magaalada London oo ay toos u werareen shabakadda, kana masaxeen ama ka sareen wax alla wixii ku jirey shabakadda oo dhan oo u badnaa taariikhda S.N.M. sababtay u werareen ahayd,shabakadda oo ururin jirtay taariikhda S.N.M.,marka kooxda Budhcad Interneetka Kulmiye waxay ka baqeen in shabakaddu wax ka qorto Silaanyo iyo taariikhdu ka gaystay S.N.M gudheeda,markaa waxaa muhiim ah in shabakada Somaliland samaystaan difaac adag oo ay kaga hortagaan Budhcad Interneetka Kulmiye.
Waxaan qorey maqaal ciwaankiisu ahaa "Dawladda Somaliland ee Xisbiga Kulmiye dhisay waxay burburisey qaranimada iyo jiritaanka Somaliland si feraalka Somaliya u hirgalo " Maqaalka waxan u qaybiyey shabakadaha Somaliland 14 Aug 2012,belse isla-dharaartiiba shantii galabnimo ayey Budhcad Interneetka Kulmiye weerar ku soo qadeen computerkayga iyo emailkaba oo ay labada joojiyeen.
.Maqaalka waxaan u soo direy London si looga soo diro halkaa si aan u fooftaan habaabiyo Budhcad Interneetka Kulmiye oo aan aqoon u lahaa wakhti dheer,laakiin markiiba way heleen lambarka computerkayga iyo emailkaba. Budhcad Interneetka sina uga fakanmaysid ,sababtoo ah waa Budhcad Interneet dhab ah oo ku u gaadhsada waddadaa Budhcadnimada
Shalay warka la isla-dhexmaraayey magaalada Hargeysa waxa uu ahaa in Silaanyo shanta la galay ciidan hubka sida si uu u kale daadiyo sidii SNM uu ku sameeyey oo kalo.Waxa u bilaabay inu raga adag ee hogaanka ciidanka haya ka baddalo oo uu u dhiibo rag isagu wato ama rag kaloo lahayn waayo arag balaadhan xaga xir fadda Militarinimada.,markaa dadweyna Somaliland waa inaanay marna ogolaan in ciidan qaran la beeleeyo sida loo beeleeyey dawladda Somaliland.Ciidanka Somaliland waa ciidanka ay ka baqdaan cadowga Somaliland,markaa haddii la idinka burburiyo ciidanka qaranka waxa idin soo weereri cadow kasta oo maanta idinka baqanaaya,ciidanka Somaliland waa lama taabtaan,waayo waa nolosha dalka iyo dadka Somaliland
Guul Somaliland
Guled Abdi
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.