Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Garabka Haweenka ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Shir Ay Ku Qabsadeen Galbeedka London Ku Doortay Hogaan Cusub


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
Waxaa hlkasi hadalo guubabo ah dhiirin ka soo jeediyay Xamse Xaji Xasan oo ka tirsan golha dhexe ee ururka XAQSOOR fartana ku fiiqay waxa hogaanka XAQSOOR kaga duwanyahay ururada kale isagoo soo qaatay gudoomiyaha Ururka XAQSOOR

London  (HWN) Waxaa habeenkii xalay ka dhacday xaflad aad loo soo agaasimay Ururka XASOOR  garabkiisa haween galbeedka magaalada London  xafladan oo lagu dhisay hooganka  cusub ee mustaqbalka hoogamin doona  garabka haweenka  Europe iyo UK , xafladan oo ay ka soo qayb galeen taageerayasha urur siyasadeedka  XAQSOOR  iyo madax sare oo ka tirsan  ururka lamihiisa Europe.

Waxaa ugu horaytii halkaas mahadnaq

iyo soo dhawayn halkaas ka soo jeediyay furintankii khadaer Good jamac  oo ka tirsan golaha dhexe ururka XAQSOOR UK  tilmaamayna inuu xaqsoor yahay ururkii  midayna lahaa mustaqbal Somaliland.  Waxaa halkaasi hadal kooban oo dhiirongalina kazoo jeedisay  Raqiya Ahmed bisad  in dumarku ku dhiiradan ka qaybgalka siyasada  sheegtay in qaranku ka bilaabmo qoyska  oo hooyadu ka kowtahay.
Waxaa hlkasi hadalo guubabo ah dhiirin ka soo jeediyay Xamse Xaji Xasan oo ka tirsan golha dhexe ee ururka XAQSOOR  fartana ku fiiqay waxa hogaanka XAQSOOR kaga duwanyahay  ururada kale isagoo soo qaatay gudoomiyaha Ururka XAQSOOR  sida uu nadiif uga yahay  siyasada somalaialand   waxaa isna ka hadlay  Ahmed mahdi oo ka tirsan golha dhexe ee ururka XAQSOOR  halkana ka soo jeediyay  hadalo wax ku oola iyo hogo tusalayn.
Mohammed Cawil oo ka tirsan golaha fulinta ee heer qaran ayaa halkaas ka soo jeediyay  hadal dhinacyo badan leh oo uu kaga waramayo  taarikhda fiican ee uu leeyahay hogaanka Ururka XAQSOOR  Xasan ciisa Jama  taas oo uu aad uga dheeraday  inuu yahay ninkii mustaqbal agaadhsiin lahaa Somaliland  waxan ay higsanayso .
Kadib intaas waxaa hadalka lagu soo dhaweyey wakiilka guud ee lamaha Europe  mohammed Ibrahaim   si uu u magacabo garabka cusub ee haweenka  XAQSOOR  Europe  magacbista ka hor Waxaa  uu isdultagay  soona dhaweeyay  nabada ka dhacday Buuhoodleh  una mahad naqay dadka reer buuhoodle ee ka shaqeeyay nabadaas  sidoo kale waxaa uu halkaas uga mahadnaqay dawlada Somaliland sida fiican ee ay u soo dhawaysay nabadaas siidayntii baxabiista iyo soo rarista ciidanka qaranka .  waxaa kaloo wax lala yaabo ku tilmamay hadalka ka soo yeedhay commissionka qaranka ee ah in ururadu iska bixiyaan lacagta muraaqibiinta taas uu ku tilmamay inay noqan karto sidii serverkii  oo doorashadu wakhtiga loogu talo galay dhici doonin intaa ka dib waxaa uu ku dhawaqay

1-Maryan Ali Roble  Gudoomiyiha Garabka Haweenka  XAQSOOR EUROPE

2-Xayaad  Ali Haybe   G/xigeenka  Garabka Haweenka   XAQSOOR  EUROPE

3-Farduus  A/rahman   Gudoomihaya   Garabka Haweenka  XAQSOOR     UK

4- Rooda mohammed   G/xigeenka              Garabka  Haweenka  XAQSOOR     UK

5-Rooda maxamud karani  Xoghayaha  guud   Garabka   Haweenka  XAQSOOR     UK

6-Khadra xuseen dhalax    Afhayeenka              Garabka   Haweenka  XAQSOOR    UK

7- Rooda cisman mustawi    Gudoomiha  London  Garabka Haweenka Xaqsoor    Uk

Hadhwanaagnews/Office

London/UK  


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.