Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Guddida Joogtada Golaha Guurtida Oo Warbixin Ka Dhagaystay Maareeyaha Madbacadda Qaranka


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
“Shaqaalaha Mad-bacada qaranka ka shaqeeyaa waxay tiradoodu gaadhaysaa 57 kuwaas oo isugu jira farsamo yaqaano,

Maareeyaha Mad-bacadda Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray), ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay u qabato dalka Somaliland.

Maareeyaha oo u waramayay guddida joogtada ah ee Golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay shaqaalaha Mad-bacadda Qaranku ay yihiin mishiinka dhaqaajiya hawlaha isla markaana ay u dhamaystiran tahay khibrad iyo waayo aragnimo.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrimaha mad-bacada qaranka haddaan idinka waramo waa hal bawle oo meel muhiima ayey immika hawsheedii maraysaa .

Sida ay hadda u shaqaysaa waxa weeyaa laba qaubood oo kala

ah waaxda maamulka iyo qaybta farsamadda” ayuu yidhi.

Waxa uu xusay in shaqaalaha madbacadda qaybta ugu miisaanka culusi ay tahay waaxda farsamadda waxaanu yidhi  “Qaybta ugu culus ee ugu misaanka badani waa qaybta farsamada oo iyaduna laba qaybood u sii kala baxda, qayb Mashiinada oo wax soo saarka ah.

Qayb labaad oo ah wixii mashiinadu ay soo saran inay iyaguna bisleeyaan oo ay isku duba ridaan marka waraaqaha la soo daabaco iyo isku duba ridkoodii ayey iyaguna sameeyaan,”ayuu yidhi Maareeyaha madbacadda qaranku.

 

Mar uu ka hadlayay shaqaalaha iyo khibradda ay leeyihiin waxa u yidhi  “Shaqaalaha Mad-bacada qaranka ka shaqeeyaa waxay tiradoodu gaadhaysaa 57 kuwaas oo isugu jira farsamo yaqaano, waashmaano iyo darawalooo dhamaantoodba ah shaqaalaha ka shaqeeya Mad-bacada qaranka waa shaqaalo leh qimrad dheeraada iyo qaar ka soo shaqeeyay Dawladii Siyaad Barre ee Mad-bacaddii qaranka iyo qaar ku hooskacay oo wax ka bartay.”

Maareeyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “waxa kale oo shaqaaluhu ay is-kugu jiraan dad waayeela oo iyagana aynu odhan-karrno waxay ku wadaan farsamo iyo qayb dhexe oo mutacalimiina. Waxaanu la tartamaynaa mad-bacadihii kale oo waxa ka shaqeeya Niman ay tiiga yaqaana.”

Mareeyaha Madbacada qaranka sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku guulaystay inay Wasaaradaha dawlada oo dhami ay wax ka dabacdaan madbacada qaranka, halka xilligii xukuumaddii UDUB ay Wasaarad walba halka ay doonto ka dabac jirtay, isaga oo arrimahaas ka halaayana waxa uu yidhi.“Markii hore Nin walba halka uu doono ayuu wax ka dabacan jiray, lakiin alaabta Dawladu dabacataa immmika amar ayuu Madaxwenuhu soo saaray oo ah in wixii Dawladu leedahay laga dabaco Madbacada qaranka oo aad iyo aad ayey immika Wasaaraduhu noogu xidhan yihiin. Waxaanu shaqada soo galnaa todobada subaxnimo, waxaanu ka baxnaa labada galab-nimo sida Dawlada oo kale.”

Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maareeyaha ku amaanay dedaalka uu ka galay hawlaha madbacadda qaranka, waxaanay sheegeen in uu ku guulaystay talaabooyin muhiim ah oo uu qaaday.

Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asporo)

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Asporo23@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.