jidhkaba aad uga shabbahaa Meles Zenawi, isaga oo sheegay in marka uu la kulmo dadka badankiisa ay ugu yeedhaan Maleska Somaliland.
In kata oo uu Maxamed sheegay in muddo dheer dadku ku sheegayeen in uu u eeg yahay Zenawi, taas oo ka hadhi weyday xataa markii uu ka tegey shaqadiisii hore ee uu meel kale u shaqo tegey oo dadkii uu ugu yimi shaqadan cusub isaga oo aan sheekadiisa uga warramin ay markiiba ku bilaabeen in uu u eeg yahay raysalwasaarihii Itoobiya, haddana waxa uu intaas raaciyay in isu eekaanshahoodu aad u soo baxay markii uu geeriyooday Raysalwasaarihii Itoobiya oo ay muuqaaladiisu ku bateen guud ahaan warbaahinta dunida.
Mr. Maxamed, wuxuu sheegay in xataa hooyadii ay dhawr goor u sheegtay inuu aad ugu eegyahay Meles Zenawi, iyo in ay asxaabtiisa iyo bulsho kaleba u sheegaan inuu muuqaal ahaan u eegyahay Raysalwasaarihii hore ee dalka Itoobiya, waxaanu u eekaanshaha Meles Zenawi kula baxay naanaysta Malase amaba Meles ka Somaliland.
Waxaanu Mr. Maxamed Cismaan Xaaji Cali, ka mid noqonayaa dadyow badan oo dunida ku nool oo u muuqaal eekaaday hoggaamiye dunida caan ka ahaa. Tusaale ahaan waxa dalka Masar Magaalo Madaxdiisa Qaahira dhawr goor lagu arkay nin aad ugu eeg Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen, kaas oo ay warbaahinta caalamku soo bandhigtay, dhawaana waxa ay warbaahinta Masar soo bandhigtay nin muuqaal ahaan aad ugu eeg Madaxweynihii hore ee Masar Mr. Xusni Mubaarik.
Mr. Maxamed, oo shalay nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika ee Hargeysa, wuxuu sheegay inuu tacsi u dirayo xukuumadda iyo shacabka Itoobiya oo uu ka tacsiyadaynayo hoggaamiyaha uu muuqoodu is shabaho. Anigoo ah muwaadin reer Somaliland waxaan tacsi u dirayaa dawladda Itoobiya maadaama oo uu ka geeriyooday Raysalwasaarihii hore Meles Zenawi oo aanu isu eekayn. Sidoo kalena shacabka Itoobiya ayaan tacsi u dirayaa.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland