Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ururka WADDANI oo 20 Murashax ku soo bandhigay Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil+Daawo Sawirada


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
BerBera(HWN):-Urursiyaasadeedka Waddani ayaa 20 Musharraxa oo u tartamaya Doorashadda Golaha deegaanka ee Magaalada Berbera iyo Sheekh ku soo bandhigay Hotel Mansoor ee magaaladda Berbera.

BerBera(HWN):-Urursiyaasadeedka Waddani ayaa 20 Musharraxa oo u tartamaya Doorashadda Golaha deegaanka ee Magaalada Berbera iyo Sheekh  ku soo bandhigay Hotel Mansoor ee magaaladda Berbera.

Munaasibaddaas oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada ahna GuddoomiyahaUrur-Siyaasadeedka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madax sare oo ka tirsan Ururka,  Madax-dhaqameedyo,Aqoonyahano, Musharixiinta, Haween iyo taageerayaasha urursiyaasadeedka Waddani.
Ugu horreyn waxa halka ka hadlay
FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt; mso-fareast-font-family: Calibri; mso-fareast-theme-font: minor-latin; mso-bidi-font-family: ´Times New Roman´; mso-bidi-theme-font: minor-bidi; mso-ansi-language: EN-US; mso-fareast-language: EN-US; mso-bidi-language: AR-SA">Maxamed Xasan Baashe(talaata codle) oo ka tirsan masuuliyiinta urur siyaasadeedka Waddani     waxaanu yidhi  “Halkan waxaynu u fadhiinaUrurka Waddani oo soo bandhigay musharixiisii gobolka Saaxil  oo ka kooban 17 Degmada Berbera ah iyo 3 musharax oo Magaalada Sheekha, tiradooduna waa 20 murashax, waxanan idin sheegayaa in ay ku jiraan laba haween ah oo kala ah Caasha Xuseen Maraykan iyo Ruqiya Siciid Ayaanle, waana dumarkii dhigay koobkii Ciyaaraha  Ramadaanta ee Berbera ka dhacay..
Sidoo kale waxa isaguna halka hadal ka soo jeediyey musharax Jaamac  IbraahimXaashi oo sheegay haddii uu ku guulaysto Dorashadda Golaha Deegaanka ee magaalada Berbera inuu wax weyn ka qaban doono waxbarashada Gobolka Saaxil “Anigu waxaan garanaya god dalaloolooyin fara-badan oo u baahin in reer Berbera laga awdo , waxaan jeclahay haddii aan ku guulaysto Golaha deegaanka Berbera in aan intaasoo sifo ah qabto in aan samo-kataliye noqdo, inaan xeer-beegti bulshadda u noqdo, in aan wanaageena ka taliyo.Maadaama oo aan macalin ahay in aan waxbarashadda Gobolka saaxil wax ka bedelo ayaan kudedaalaya” sidaas ayuu yidhi Murashax Jaamac, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan baan arkayaa oo waxan arkayaa Ururka WADDANI oo  talada Wadanka ku guulaystay.”
Waxa iyaduna madasha hadashay murashax Caasha Xuseen Maraykan oo sheegtay in ay wax weyn ka qaban doonta caagadaha iyo xashiishka meelkasta buuxsamay “Anigu hadiyo jeer haddii aanu nahay haweenka Urursiyaasadeedka WADDANI waxaanu ururada kale dheer nahay , waxaanu ka sharraxanahay lixda gobol ee ay ka kooban tahay jamhuuriyadda Somaliland aad iyo aad ayay taasi noogu tahay hambalyo waanan ku hanweynahay runtii, waanan ku faraxsan nahay in aan maanta isku soo taaggoGolaha Deegaanka ee magaaladda Berbera oo ah meeshii aan anigu ku soo koray odhan mayo waxa ayaa idin qabanaya. laakiin waxa loo tartamaya dawladda hoose oo haddii aan ku guulaysto waxaan jeclaan lahaa in caagadahan iyo xashiishkan aynu iska ururinno idinkuna aad igu taageertan.”Ayey tidhi Marwo Caasha Maraykan, waxanay intaas ku ladhay “Waxaynu ognahay waxyaabo badan in Somalilandlaga dhameeyey, oo minadi ayaa laga dhameeyey  wax badan oo kale ayaa lagdhameeyey oo faqashtii aynu iska dhamaynay, markaas maxaa inoo diiday in aynucaagado yaryar iyo xashiish yar iska dhamayno.”
Gebgebadii munaasibadda waxa hadal  ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna GuddoomiyahaUrur-Siyaasadeedka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan Murashaxiinta u taagan Doorashada, isagaa oo carabka ku dhuftay in Murashaxiintu noqon doonaan kuwo Berbera wax ka bedela Golaha Deegaanka “Waxaan idin sheegayaa in Ururka WADDANI saaxiib dhaw la yahay dhammaanXisbiyada iyo  Ururada Somaliland ka jira,markaas madama oo loo fasaxay Doorashada  Xisbiyada iyo Ururada waxa keliya u banaaniwaxa weeye in si nebed gelyo ah, oo aan cadownimo ku jirin oo garoonkana sisiman loogu salaxo oo dhamaantood ay soo wada galaan, ciyaartana waa la kalareebi doonaa intii ilahay u gartaana way soo hadhi doontaa.” Sidaa waxa yidhiGuddoomiye Cirro, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Madama ooUruradii bateen, waxaa jira Siyaasiyiin cusub oo saaxada Siyaasada soo galay,markaas kuwaas waxaan odhanayaa kelmad waano ah oo nasteexo ah waxanan leeyahaySiyaasadu waa iska qodox badan tahay ee waa inaad wax badan hubsataan, waxaanaloo baahan yahay in qori nin hore cabeeyay inaanad keebka qaban.”
 
Xafladaas oo ahayd tii ugu horaysay ee tirointaas leeg oo Murashaxiin u taagan Doorashada Golaha Deegaan ee la filaayoinay dabayaaqada sanadkan ka dhacdo Somaliland  ku qabto Degmada Berbera, waxaana  sidoo kale xafladaas ka hadlay Madax-dhaqameed,Haween iyo dad kale, waxaana dhammaantood ay hambalyo u direen musharrixiintau  taagan Doorashadda Golah Deegaanka GobolkaBerbera.

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Berbera/Somaliland/


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.