Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


UCID-da Cusub Oo Dhoolatus Balaadhan Ka sameeyay Hargeysa iyo Musharax Yaasin Cumar Yare Oo Diiriyey Lana Soo Bandhigay Khudbadihii Iyo SAWIRADII DAAWO.


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
“Waxaan u taaganay tartan xalaal ah,waxba ku shuban-meyno, dadka dhici mayno dadka boobi-mayno, annagu (UCID) waxaanu ku sun tanahay isbedel dhab ah”. Murashax Jamaal Cali Xuseen.

Hargeysa (HWN)- Yaasin Cumar Cabdi  oo ka mid ah Murrashaxiinta UCID-da cusub uga qaybgelaya tartanka doorashooyinka Golayaasha Degaanka Hargeysa, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo dhoolatus ah loogu sameeyey hudheelka Ambassador ee Caasimadda Hargeysa.

Munaasibad dhoolatuska ah ee loo sameeyey Yaasin Cumar-Yare oo kulmisatay kumanaan qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan caasimadda Hargeysa, waxa ka

qaybgalay masuuliyiin sare oo ka socday UCID-da cusub oo uu horkacayey Murashaxa Madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen,guddoomiyaha UCID-da cusub Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha sadexaad ee UCID-da cusub Cali Gurey, Guddoomiyaha heer qaran ee UCID-da cusub iyo guddoomiyaha garabka haweenka,Suldaan Xiirey,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Xilbaanno ka socday golaha degaanka Hargeysa, odayaal, waayeel, dumar iyo dhallinyaro ay shucuurtooda ka muuqatay taageerada ay u hayaan murrashaxa loo dabaaldegayey iyo UCID-da cusub.

Xafladan soo dhawaynta ah ee Yaasin Cumar-Yare loo sameeyey, ayaa si weyn idhaha u soo jiidatay, iyadoo ahayd mid ka mid ah xafladihii ugu ballaadhnaa ee loo sameeyo murrashaxiinta u tartamaya golaha degaanka Hargeysa.

Musharaxa jagada Madaxweynaha UCID-da cusub (New UCID) Aqoonyahan Jamaal Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa bogaadiyey taageerayaasha UCID-da cusub iyo Madaxda UCID-da cusub masuuliyiinta kale ee ka soo qeybgalay xaflada loo sameeyey Murshax Yaasin Cumar Yare, waxaanu yidhi “Waxaan halkan Salaan bogaadin ah uga dirayaa murashaxa Golaha deegaanka ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Yaasin Cumar Ileeye, oo aah ugu hambalyeynayo si kal iyo lab iyo taageerayaashiisa. Marka laga hadlayo Golaha deegaanka dadka uu doonayo xisbiga UCID inuu dadka horkeeno waxa weeyaan dadka CV-ga fiican leh sida Yaasin oo kale, waxaanay Yaasin Cumar-yare walaalo yihiin Kooxda Fanaaniinta Walaalaha Sweden oo aanagu saaxibno nahay, maada aniga iyo Faysal Cali Xuseen aanu isku magac noqonay oo aanu ilma Cali Xuseen noqonay waxaanu annaguna la baxayna Walaalaha UCID”

“Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay oo uu ku sun tan-yahay astaanka isbedel dhab ah oo waddanka ka dhaca , annagu Xisbiga UCID ahaan waxaanu dadka soo hor-dhigayna oo aanu horkeenaynaa dad wata taageerayaashoodi, waddanka sumcad ku leh oo soo bixi kara oo ay reerahoodu raali ka yihiin  oo aan ahayn WARAABE U TAAG, oo umaddana wax u qaban kara”.Ayuu yidhi Murashax Jamaal Cali Xuseen.

Mar uu Jamaal la hadlayey dadka waxa uu ka dalbaday oo uu yidhi“Waxaan dhamaantiin idinka codsanayaa Doorashada Golaha deegaanka ee maanta la galayo waa inaad u codeysaan Xisbiga UCID oo aad taageertaan murashixiinta u taagan tartanka Golaha deegaanka,waxa halkan fadhiya taageerayaasha Yaasin Cumar Yare waxaanan dhamaantiin idinka rajeynayaa maalinta codka ala bixinayo in qofkastaaba uu bacadka taagnaado oo uu Yaasin u codeeyo,…uma hiilinaysaan uun Yaasin Cumar-Yare ee waxaad u hiilinaysaan Somaliland, waxaad u hiilinaysaan Is-bedel dhaba oo waddanka ka dhici doona. Xisbiga UCID la iskuma haysto inuu dardar cusub ku jiro oo waxaanu taaganay tartan xalaal ah,waxba ku shuban-meyno, dadka dhici mayno dadka boobi-mayno, annagu waxaanu ku sun tanahay isbedel dhab ah oo aanu ku guubaabinayno dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha inay fursad siiyaan UCID, Xisbiyadii waa weynaa (UDUB iyo KULMIYE) fursadoodi way soo qaateen. Xisbiga KULMIYE ee talada waddanka haya waanu la shaqeynaynaa”.    

Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa u hambalyey taageerayaasha iyo madaxda iyo masuuliyiinta UCID-da cusub ee ka soo qeybgalay xaflada soo dhaweynta ee loo sameeyey Yaasin, Waxaanu yidhi “Aniga oo ah Suldaanka Mahad Maxamuud Xirsi waxaan halkan u taaganahay Xildhibaan Yaasin Cumar Cabdi Ileeye oo aan ka soo saarnay beesha aan Suldaanka u ahay, annaga oo ku soo xulnay sababo baddan awadood aqoontiisa, dhalinyaranimadiisa, iyo waayo-aragnimadiisa oo aan u soo xulnay inuu murashax u tartama Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ka noqdo Xisbiga UCID. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu xildhibaan Yaasin inuu ku guuleeyo xilkaa uu u tartamayo”    

“Waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen dhiig cusub u shubi doono Somaliland  oo aad  iyo aad ugu hambalyeynaynaa, waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu isagana u fududeeyo xilka murashaxnimada Jagada madaxweynanimada ee soo socota”.Ayuu yidhi Suldaanku

Musharaxa da’da taageerada ballaadhan loo muujiyey Mr. Yaasin Cumar-Yare  oo isagu halkaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday inaannu iloobayn abaalka iyo taageerada dhallinyaradu u muujisay, uguna abaal-gudi doono waxqabad iyo hiil dhallinyaranimo. “Sababta aan Xisbiga UCID u soo galay waxa ka mid ah laba nin oo la khiyaameeyey ayaa hogaaminaya, markaa haddii aynaan u hiilinin dadka la khiyaameeyey cadaalad sameyn meyno”.

“Waxaan uu ka codsaday taageerayaasha iyo umadda Somaliland inay codkooda siiyaan si uu ugu soo baxo Xilka Golaha deegaanka Xisbiga UCID-na uu u soo baxo”.Ayuu yidhi

Guddoomiyaha UCID-da cusub Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Kuxigeenka Sadexaad ee Xisbigaasi Cali Gurey ayaa si isku mida u soo dhaweeyey murashaxnimada Xildhibaan Yaasin Cumar-Yare oo u tartami doona doorashada Golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto, waaanay taageerayaasha UCID-da cusub ugu baaqeen inay codkooda siiyaan murashaxan iyo kuwa kale ee lamidka ah ee sharaxan si uu Xisbiga Iyo murashixiintoodu-ba u soo baxaan.

Mustafe-jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.