Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


War murtiyeed ka soo baxay maamulka guud ee ururka gaaroodi (Burin been abuur)


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
Ururka samafalka ah ee Gaaroodi waxaa uu beeninayaa been abuur ku soo baxay web-site-da qaarkood soona baxay 25/08/12 kaas oo ah nin isku tilmaamay in uu yahay afhayeenka ururka Gaaroodi magaciisana ku sheegay Khadar Caabi Ciise

Guddoomiyaha Ururka Samafalka ah ee Gaaroodi
Deeq Cabdi Digale
Asaalamu Calaykum wa Raxmatullah wa Barakaatuh

Burin been abuur

Ururka samafalka ah ee Gaaroodi waxaa uu beeninayaa been abuur ku soo baxay web-site-da qaarkood soona baxay 25/08/12 kaas oo ah nin isku tilmaamay in uu yahay afhayeenka ururka Gaaroodi magaciisana ku sheegay Khadar Caabi Ciise isaga oo u dan lahaa in uu ku dhaleeceeyo qoraalkiisa Xisbiga UCID damcayna inuu ku soo gabbado ururka Gaaroodi ee sharfta huwan.

Haddaba haddaannu nahay maammulka Ururka samafalka

ah ee Gaaroodi waxaanu si cad u bayaaminaynaa in aanu ururku lug ku lahayn qoraalkaas ninkaas afhayeenka sheegtayna aanu ururka haba yaraatee ka mid ahayn waxaa uu sheegayna ay yihiin wax ururku beri ka yahay oo isaga u gaar ah, ururku waa mid ku dhisan samafal una taagan adeegyada ay ka mid yihiin,waxbarashada, caafimaadka, ilaalinta deegaanka, biyaha,ka warhaynta nolosha dadka ,aafada dabiiciga ah iyo wixii la mid ah.
Ururku wuxuu ka madax bannaanyahay siyaasad.

Waxaannu uga digaynaa cid kasta oo fidno ka dhex abuuraysa bulshada in ay gabbood ka soo dhigtaan Ururka oo ka waantoobaan waxa bulshada dhibaato u horseedi kara , haddii ay taas ka durki waayaan waxay la kulmi doonaan sharciga oo lala tiigsado iyo ciqaab ay isku qoomameeyaan, waxa kale oo aannu ku waaninaynaa warbaahinta fidiniya qoraallada xajiinta leh ee dalka iyo dadka midna aanay dani ugu jirin in ay ka fogaadaan ilaaliyaanna anshaxa saxaafadda.

Wa billaahi tawfiiq

 
Deeq  cabdi digaale 
gudoomiyaha ururka gaaroodi

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.