Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Mid kamid ah Dhalinyarada Gabiley ee Ka Shaqeyn Jirey Arimaha Bulshada oo ay Ururada Dhalinyaradu Ku Sagootiyeen Shahaado Sharaf


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
Gabiley(HWN)-Mid kamid ah Dhalinyarada ka shaqeyn jirey Arimaha Bulshada ee Gobolka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, oo xubin firfircoon ka ahaa

Gabiley(HWN)-Mid kamid ah Dhalinyarada ka shaqeyn jirey Arimaha
Bulshada ee Gobolka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, oo xubin
firfircoon ka ahaa Ururada Dhalinyarada Gabiley islamarkaana, xubin ka
ahaa dalada Ururada Gabiley iyo Ururka Danwadaag ayaa Munaasibad
balaadhan oo ay kusii sagootinayaan Maadaama oo u diga rogtey dhinaca
Siyaasada Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo uu ka qeyb galayo ay
kusii sagootiyeen Sumacadii uu kala tagey Ururada ku howlan Arimaha
Bulshada Gobolka Gabiley.


Munaasibadii Sagootinka aheyd ee ay soo abaabuleen Ururada
Dhalinyarada Gobolka Gabiley eek u howlan inta badan Arimaha Bulshada
Gobolka Gabiley, iyo waxa ka qabashada Cusbitaalka iyo Goobaha danta
Guud ee Gabiley Gabiley, oo aheyd mid Balaadhan oo si heer sare ah loo
soo agaasimay islamarkaana, lagu qabtey xaley Huteelka Asker ee
Magaalada Gabiley


waxa kasoo Qeyb galey Gudoomiyaha Awal Galbeed
Yuusuf Cilmi Ayaanle (Dabalule),Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta
Wasaarada Waxbarashada Gobolka Gabiley Cabdi-Ladiif Sheekh Muxumed
Gaboobe, Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta
Shuceyb Muuse Dhalinayaradii ugu tira badneyd ee kunool Gudaha
Magaalada Gabiley gaar, ahaan kuwa inta badan ka shaqeeya ururada
mutadawaciinta Arimaha Bulshada Masuulyiin iyo dadweyne aad u tira
badan, iyo marti sharaf kale.


Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ugu horeyn ka Hadley Munaasibadaasi ay
Shahaadada Sagootinka ah ugu sameeyeen Dhalinyarada Gobolka Gabiley,
iyo kuwa ka shaqeeya Arimaha Bulshada ayaa siweyn uga mahad celiyay
sida qiimaha badan ee ay dhalinyaradu u xuseen doorkii ay isaga iyo
Saaxiibadiiba ku lahaayeen ka qeyb qaadashada Doorka Arimaha Bulshada
ee Adeegyada Aasaasiga ah, waxaanu adashaasi ka sheegay in uu u
wareegay dhinaca ka Qeyb qaadashada doorka Siyaasada ee ay deyrtan
dhalinyaradu fursada ka heshay isagoo xusey in uu boqolkiiba boqol ku
rajo weyn yahey in kaalin muuqata ka qaadan doono doorka ay Bulshadu
uga baahan tahey sidii ay u heli laheyd dhalinayar aqoon leh u
damqaneysa Deegaanka iyo dadweynahaba islamarkaana ugu adeegeysa sidii
loo baahnaa iyo in ay Cashuurta laga qaado Shacbigu si daacad ah oo
aan hagar laheyn dib loogu celin lahaa waxaanu xusey in uu ka qeyb
qaadan doono Doorashooyinka soo socda oo uu cod boqolkiiba boqol ah ka
filayo Waxgaradka iyo Dhalinyarada Gobolka Gabiley, intii lasoo
shaqeysay iyo inta ka warheysa dedaalkiisii iyo daacadnimadii uu ku
lahaa Deegaankaba Waxaanu ugu duceeyay Guud ahaanba in ay Gabiley
Isbadelada soo socda heli doonto Shakhsiyaadkii ay u baahneyd Guyaal
iyo Guyaal.


Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka Hadley Xubno tira badan oo kamid
ah Kooxaha Ururada Dhalinyarada Gbolka Gabiley ee inta badan ka
shaqeeya Arimaha Bulshada iyagoo, tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay
doorkii uu Maxamed Amiin Cumar Cabdi kulahaa dhalinyarada iyo Bulshada
Gobolka Gabiley dhexdiisa islamarkaana sida hagar la,aanta ugu adiigi
jirey guud ahaanba Arimaha danta guud ee Bulshada dhexdiisa Waxaanay
xuseen Xubnahani Ururkii uu Gudoomiyaha u ahaa Danwadaag iyo kaalinta
uu kasoo qaatey Qeybihii ay kusoo kordhiyeen Cusbitaalka Gobolka
Gabiley iyo waliba qalabkii ay ugu iibiyeen lacago ay dhexdooda iska
ururiyeen iyo qadar loo igmadeyba.

Waxaanay sheegeen in ay ku maamuusayaan Shahaadadan oo ah mid uu u
qalmo in la gudoonsiiyo ka hor inta aanu ka wareegin Ururada Bulshada
ee Madaxa Banaan shahaado iyo laba iyo in kabadanba Sidoo kalena waxa
ay xuseen in uu u qalmo in uu kamid noqdo Xubnaha ugu miisaanka badan
ee Golaha Cusub ee Deegaanka Degmada Gabiley ee la filayo in ay
doorashooyinka soo socda ka qeyb gali doonaan, Waxaanay ugu dambeyntii
balan ku qaadeen in uu Amiin Cumar Cabdi heli doono codadka
dhalinyarada oo aqlibayad ah.

Waxa kale oo iyaguna ka waramay doorka uu ku leeyahey Bulshada iyo
dhalinyarada Gobolka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Gudoomiyaha
Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle(Dabalule), Wasiiru Dowlihii hore ee
Wasaarada Howlaha Guud Shuceyb Muuse . Agaasimaha Maamulka iyo
Lacagata Wasaarada Waxbarashada ee Gobolka Gabiley Cabdi –Ladiif
Sheekh Muxumed Gaboobe Odey Mukhtaar Sheekh Muxumed Warsame iyo xubno
badan oo kamid ardeyda Jaamacada Gabiley iyo kuwa Ururada Bulshada
Gobolka Gabiley.


Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa kamid ah inta la ogyahey dhalinyarada
ugu mudakarsan Gobolka Gabiley, ee inta badan ku howlanaa ka qeyb
qaadashada Doorka Arimaha Bulshada iyo adeegyada Aasaasiga u ah
dadweynaha Reer Gabiley, iyagoo abaabuley Ururo ka shaqeeya danta Guud
oo ay ka alifeen dhexdooda sida Ururkii Danawdaag oo ay qaadhaanka ay
dhexdooda ka ururiyaan oo ay ku iibiyeen qalabyo tiro badan oo muhiim
u ahaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley, Xafladan sagootinka
aheydna waxa siweyn looga dareemayay taageerada uu ku dhex leeyahey
Bulshada iyo dhalinyarada Gobolkaba iyadoo dhawaan la filayo in uu
iska shaacin doono Murasahaxiinta Xisbiga Ucid uga qeyb galeysa
tartanka Doorashooyinka D/hoose ee dhawaan la filayo in ay dalka ka
qabsoomaan.


Hadhwanaagnews Gabiley Office


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.