|
|
Neil Armstrong Oo Ahaa Cirbixiyeenkii Ugu Horeeyay Ee Dayaxa Guudkiisa Labadiisa Lugood Dhigay Oo Geeriyooday + (Sawiro) (Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012 Washington, (HWN/Agencies):- Cirbixiyeenkii reer Maraykan ee loo aqoonsaday inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee cagihiisa dhigay dayaxa guudkiisa, Neil Armstrong
Washington, (HWN/Agencies):- Cirbixiyeenkii reer Maraykan ee loo aqoonsaday inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee cagihiisa dhigay dayaxa guudkiisa, Neil Armstrong, ayaa geeriyooday isaga oo dadiisu tahay laba iyo sideetan jir, ka dib markii uu in muddo ah u jiifay xanuun dhul yaal ka dhigay.
Cirbixiyeenkan reer Maraykan ee taariikhda aadamaha ku suntanaa Mr. Neil Armstrong, ayaa sida wakaalada wararka dunidu sheegeen bishan aynu ku jirno bilowgeedi dhakhtar loola cararay si looga daweeyo qaybta
halbowlayaasha waraabisa ee wadnaha oo lagaga soo booday, hasa yeeshee isaga oo aan dhakhtarkaas ka bixin ayuu geeriyooday.
Armstrong waxa uu ahaa cabtankii hogaaminayay duulimaadkii dayax gacmeedkii caanka noqday ee (Apollo 11), waxaanu socdaalkaas ka dib markii ay Space ka gaadheen uu Armstrong noqday qofkii ugu horeeyay ee aadami ah ee dayaxa labadiisa lugood dhiga, taariikhdu markii ay ahayd 20 July 1969.
Wakhtigaas Neil Armstrong waxa uu ku guulaystay in uu ka dego dayax gacmeedkii ay wada saarnaayeen isaga iyo kooxdii uu hogaaminayay, ee (Apollo 11), ka dibna waxa uu awood u helay inuu dhawr talaabo oo kooban qaado, wax ka yar dhawr ilbidhiqsina uu kor u boodo, run ahaantii waxa ay NASA oo ah wakaalada sahaminta hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanku ku faantay in talaabadaasi ahayd guul iyo horumar balaadhan oo u soo hoyday aadamaha.
Neil Armstrong waxa uu socdaalkaas Apollo 11, u ahaa kii ugu danbeeyay ee uu hawada sare ugu safro, waxaanu sida muuqatay wakhtigaas, dalka Maraykanka ka fujiyay guul daro iyo niyad jab wayn oo ay ka qaadeen, horumarkii balaadhnaa ee midowgii soofiyeeti ee burburay ka gaadhay hawada sare iyo kaga horayntii uu kaga horeeyay inuu hawada sare ka hor tago, hasa yeeshee dul istaagida Armstrong waxa ay Maraykanka ka soo saartay neef, waxaanay ku guulaysteen in wixii intaa ka danbeeyay ay halkaas ka sii wadaan, baadhitaanada iyo sahaminta hawada sare.
Neil Armstrong laga bilaabo xiligaas waxa uu ka hawl gali jiray, mac-hadka barashada aqoonta iyo sahaminta hawada sare ee Cincinnati University, waxaanu ahaa Professor of engineering ka wada hawl gala halkaas, sidoo kale waxa uu laga bilaabo xiligaas isaga iyo xaaskiisa Carol Armstrong ay ku noolaayeen magaalada Cincinnati.
Neil Armstrong waxa uu dhashay Aug. 1930-kii waxaanu ku dhashay deeganka Wapakoneta, ee gobolka Ohio dhiniciisa waqooyi, waxaanu soo maray oo shaqada ka bilaabay duuliye uu ka ahaa diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, ka hor intaan sanadkii 1955-kii aanu si rasmi ah uga mid noqon, injineero iyo duuliyayaal loo xil saaray sahaminta hawada sare oo noqday kooxdii ugu horaysay ee aasaastay hayada sahaminta hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee (NASA).
Markii geerida Neil Armstrong soo shaac baxday ayaa waxa tacsiyadeeyay dad tira badan oo u badan, madaxda iyo masuuliyiinta waddanka Maraykanka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha talada wakhtigan haya, Barack Obama oo ku tilmaamay halyay qaran oo taariikhda aadamaha wax wayn ku soo kordhiyay, geesinimana lagu xasuusan doono.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com
|