Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha reer Bali-gubadle sida diiran ee ay soo dhaweeyeen ?Waxaan idinka mahad-celinayaa dadweynaha reer Bali-gubadle sida wanaagsan ee aad ii soo dhaweyseen. Waxaanan idin leeyahay maanta xafladan aynu u fadhinaa waxaynu ku soo bandhigaynaa 10-murrashax oo Xisbiga UCID uga qeybgeli doonta tartanka doorashada golayaasha deegaanka, kuwaas oo uga soo bixi doona Gobolka HAWD. Markaa walaalayaal codkiina siiya si ay u soo baxaan oo ay deegaankooda wax ugu qabtaan?.
?Waxaan leeyahay dadweynaha reer Bali-gubadle markaad Ururka Xaqsoor u codeysaan Xisbiga UCID-na ku xigsiiya si aanu labadayaduba u soo wada baxno, waayo UCID iyo Xaqsoor-ba waa isku mid ee aynu soo wada saarno?.Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye kuxigeenka 3aad ee UCID-da cusub Muj Cali Gurey oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha reer Bali-gubadle iyo taageerayaasha Xisbiga UCID ee soo dhaweeyey, waxaanu yidhi ?Walaalayaal waad Igaranaysaan oo waxaan ahay reer Baligubadle, Faysal Cali Waraabe-na waa reer Baligubadle, marka ugu horeysa waxaan idinku mahadnaqayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad na soo dhaweyseen,?
?Xisbiga UCID maanta dib ayaa loo qaabeeyey oo waa Xisbi bahweyna, oo mugweyn oo is-bedel doona, oo wada-qaadi kara dhamaan is-bedel doonka Somaliland oodhan,haday beelo yihiin, Ururo yihiin, iyo shakhsiyaad-ba yihiin, Insha Allaah waxa uu noqonayaa mid ina caymiya. Waxaan murrashixiinta Xisbiga UCID uga sharaxan Gobolka Baligubadle ku soo dhaweynayaa Xisbiga?.
?Xaqsoor waa Urur aan aad u jecelay oo meelna ma kala tagayno,?.Ayuu yidhi Cali Gurey.
Keyse Khayre Xandule oo ku hadlayey magaca odayaasha Gobolka Hawd oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku soo dhaweeyey Weftiga Xisbiga UCID gacmo furan iyo qalbi san, waxaanu yidhi ?Xisbiga UCID waxaan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan, iyo walaalnimo, doorkani waa doorkii Xisbiga UCID, rag iyo dumarba, dhalinyaro iyo waayeelba aynu u diyaar-garowno sidii reer Bali-gubadle Madaxweyne Xisbiga UCD ah u soo saari lahaayeen. Waxaanu soo dhaweynayaa murrashixiinta Gobolka Hawd uga sharaxan Xisbiga UCID?.
Shugri Xassan Samar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey UCID-da cusub ?Waxaan idinku soo dhaweynaynaa walaanimo iyo gacmo furan, Xaq ayey naggu leeyihiin Xisbigan (UCID) na soo booqdey, Waxaan leeyahay dadweynaha reer Baligubadle ha la soo dhaweeyo oo codka ha la siiyo Xisbiga UCID?
?Maanta waxaynu doonaynaa sidii aynu ILAAHAY ula kaashan lahayn inuu Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen u soo bixi lahaa oo aan ugu duceynaynaa?. Ayuu yidhi Oday Shugri.
Suldaan Cawil Maxamed Warsame oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu bogaadiyey taageerayaasha Xisbiga UCID ee Gobolka Baligubadle sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi?Walaalayaal waad mahadsan tihiin waanu idinku faraxnay oo raali ayaanu idinka nahay, sida wanaagsan ee aad isku abaabusheen oo aad noo soo dhaweysay,isla markaana aad u diyaargareyseen murrashixiintiina??waxaan idin leeyahay reer Bali-gubadloow markaad Ururka Xaqsoor laba jeer codka siisaan marna siiya Xisbiga UCID?.
Caaqil Cali Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad-celiyey taageerayaasha iyo dadweynaha reer Bali-gubadle sida meeqaamka sare ah ee ay soo dhaweeyeen, ?Waxa la yidhi Dabkii baxaaya Dab lagu qabsadaa, maanta dabeyl ayaa jirta oo waxay gaadhay markii la dooran lahaa Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID, ee reer Bali-khadaroow codkiina siiya Xisbiga oo soo saara.?
Maxamed Cali Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey qaabka ay u soo xuleen murrashixiintan da?ada yar ee Xisbiga UCID uga sharaxan Gobolka Bali-gubadle ?Waxaan u mahad-celinayaa dadweynaha reer Bali-gubadle ee sida wanaagsan u soo xulay murrashixiinta Golaha deegaanka uga sharaxan Xisbiga UCID, dhamaan murrashixiintani waxay haystaan codkoodii ay ku soo baxayeen. Maanta waxa halkan inoo fadhiya 10-murrshax oo dhalinyaro ah, waxaanan xooga saarnay inay dhalinyaradu Siyaasada soo galaan?. Ayuu yidhi Maxamed Cali.
Ugu danbeyntiina waxa halkaasi ka hadlay laba murrashax oo ka mid ah murrashixiinta Xisbiga UCID uga sharaxan Gobolka HAWD, waxaanay dadweynaha reer Bali-gubadle ka codsadeen inay codkooda siiyaan si ay u soo baxaa, waxaanay iska daba-mareen oo ay balanqaadeen haddii ay soo baxaan inay wax u qaban doonaan dadweynahooda soo doortey.
,Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail..com