Hargeysa(HWN):-jaamacada Fairland University ayaa maanta munaasibad balaadhan u qabatay dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa jaamacadaas.
Munaasibadan oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),wasiirka ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed,wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe),wasiir ku xigeenka arimaha debada Mawliid Maxamed,maamulka,macalimiinta jaamacada iyo ardayda ka qalin jabisay jaamacadaas oo tiradoodu ahayd 50 arday.
Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha jaamacada Fairland Cabdisamad waxaanu
sheegay inay farxad u tahay maamulka jaamacada inay shahaadooyin gudoonsiiyaan dufcadii ugu horaysay ee ka baxda jaamacadaas.
Sidoo kale oo isaguna munaasibadna ka hadlay wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) waxaanu sheegay inuu ardaydan la wadaagayo farxada ay ku qaabileen qalin jabintooda ?waxaan maanta idin kula faraxsanahay qalin jabinta aad dhamaysteen jaamacada Fairland, waxaanan idiin rajaynayaa inaad himiladiina gaadhaan.?
Wasiirkii hore ee arimaha gudaha xukuumada Daahir Rayaale Cabdilaahi Ciro oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inay ardaydani ka nasiib badan yihiin kuwii wakhtiyada hore wax dhigan jiray isla markaana ay haystaan waxyaalo badan oo aanay ardaydii hore heli jirin.
Faadumo Siciid oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa sheegtay inay ardayda kula faraxsan tahay munaasibadan ay ku qalin jabinayaan iyaga iyo waalidkii ku tabcayeyba.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay
?maanta waxaan idin la qaybsanayaa farxadiina inaad qaadanaysaan shahaadooyinkii aad muddada dheer ee 2 sano ah ku soo tabcayseen, waanan idiinku hanbalyeynayaa guusha aad gaadheen.?
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mida macalimiinta jaamacada Fairland University iyo marti sharaf kale kuwaas oo u hanbalyeeyey ardayda maanta ka qalin jabisay jaamacadaas.