Xafladda dhoolatuska ah ee loo sameeyey 13-ka murrashax oo kulmisatay Boqolaal qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan degmada SALLAXLAY,kuwaas oo si meeqaam sare ah u soo dhaweeyey Weftiga iyo murrashixiinta u taagan Golayaasha deegaanka degmada Sallaxlay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha reer Sallaxlay iyo taageerayaasha Xisbiga UCID ?Xisbiga UCID iyo SALLAXLAY waa la isku naaneysaa, berrigii hore-na waxa Xisbiga soo saarey Sallaxlay,maanta waxa la idiinka fadhiyaa inaad soo saartaan Xisbiga iyo murashixiintiisa-ba?. Ayuu yidhi.
?13-ka murrashax ee qiimaha leh ee aad u soo xusheen doorashada Golayaasha deegaanka waad ku mahadan tihiin,?murrashixiintan aad soo xusheen waxaan rajeynayaa inay noqdaan kuwii dhisa deegaanka laga soo doortay ee aan ka dhisan?.Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi?Xisbiga Xaqsoor waa Xisbi aynu isku abtirsano oo HAWD ah,??wixii halkaa inaga tagga mooyaane wixii kale waa inay annaga (UCID) noo yimaadaan. Ururka Waddani waxa loo sameeyey in UCID lagu baabiiyo ee ogaada. Markaa waa inay reer Sallaxlay Xisbiga iyo murrashixiinta u tartameysaba waa inaad soo saartaan?.
Guddoomiye kuxigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Muj: Cali Gurey oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad-celiyey dadweynaha reer Sallaxlay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen ?13 Murrashax ee degmada Sallaxlay u soo xushay inay uga qeybgalaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee dhawaan aynu filayno, waa inaynu codkeena wada siina oo aynu murrashxiinta iyo Xisbiga-ba soo saarna?.Ayuu yidhi Cali Gurey.
?Way cadahay inay Saaxada siyaasada Somaliland ay hogaaminayso Barri ilaa Galbeed Xisbiga UCID oo ay ugu fadalo cad-cadahay ee sidaas ula socda?..cidda wax isku darsataana waa cidda waddanka hogaankiisa qaban doonta.?Ayuu yidhi Cali Gurey.
Muj: Cali Gurey waxa uu ugu baaqay dadka reer Sallaxlay inay sidii awalkii hore-ba ay u soo saareen Xisbiga UCID ay u soo saaraan oo ay codkooda siiyaan ?Waxaan leeyahay UCID il iyo cawriba la?oow?.Ayuu yidhi.
?Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeedinayaa dadweynaha reer Sallaxlay,gabdho wiilal iyo Waayeel-ba maanta waxaynu halkan u joogta xafladii soo bandhigista murrashixiinta doorashada golaha deegaanka Xisbiga UCID uga qeybgeli doona, kuwaas oo ka kooban 13-xubnood. Waxaanan u jeedinayaa dadweynaha reer Sallaxlay inay codkooda siiyaan murrashixiintan si ay u soo baxaan Xisbiguna uu u soo baxo?.Ayuu yidhi Xoghaye kuxigeenka Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax.
Xoghaye Kuxigeenka Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax waxa uu beeneeyey dacaayado sheegaya in Xisbiga UCID la wareejiyey, balse waxa uu arrintaasi ku tilmaamay inaanay waxba ka jirin. ?Xisbi la wareejiyey ama la iibiyey midna waxba kama jiraan,balse waxa kordhay inay Xisbigii cod iyo taageero balaadhan ay ku soo korodhay?.
Guuleed Cabdi Sooraan oo ka mid ah odayaasha degmada Sallaxlay oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey Weftiga Xisbiga UCID ee u yimid, ?Waxaan leeyahay dadweynaha reer Sallaxlay waa inay codkooda siiyaan Xisbiga sidii berrigii horeba oo ay soo saaraan, Xafladana waxa loo sameeyey miurrashaxiiinta Xisbiga UCID uga qeybgeli doona doorashada deegaanka ee Degmada Sallaxlay, 13-ka murrashax ee aanu soo xulnay waxa weeyaan inamo firfircoon oo wax-qabad iyo horumar u qaban kara dadweynaha ku dhaqan degmada Sallaxlay?
?Dadweynaha reer Sallaxlay waa inay isku duubnaadaan oo ay codkooda sidii horeba u siiyaan Xisbiga UCID, ILAAHAY-na waxaan uga baryayaa murrashixiintan inay soo baxaan?.Ayuu yidhi Guuleed Cabdi.
Caaqil Maxamed Xuseen Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey murrashixiinta Xisbiga UCID uga qeybgeli doona tartanka doorashada deegaanka ee degmada Salaxlay uga sharraxan, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin niman firfircoon oo aqoon iyo kartiba leh oo xilkaa ay u sharaxan yihiina ka soo bixi doona. ?Reer Sallaxlayna waxaan leeyahay codkiina ha kala bakhaylina ee Xisbiga iyo murashixiintaba wuu soo saarayaaye ee u codeeya?Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Ragge oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa haweenka, iyo dhalinyarada reer Sallaxlay ugu baaqday inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID murashixiinta golaha deegaanka uga sharaxana ay soo saaraan.
Waxa isaguna hakaasi ka hadlay mid ka mid ah murrashixiinta degmada Sallaxlay uga sharraxan Xisbiga UCID, kaas oo ka codsaday dadweynaha reer Sallaxlay inay codkooda siiyaan si murrashixiintooda iyo Xisbiga UCID-ba uu u soo baxo ?Waxaanu ILAAHAYka rajeynaynaa inaanu ku soo baxno doorashada Golaha deegaanka ee aan u taganay.?Ayuu yidhi.
Suldaan Cawil Maxamed Warsame oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka dalbaday shacabka reer Sallaxlay inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID, ?Codkiinu waxa uu mar soo saarayaa Murrashaxa u taagan Golaha deegaanka, marna waxa uu soo saarayaa Xisbiga UCID ee waa inuu qof waliba codkiisa siiyaa Xisbiga UCID?.Ayuu yidhi.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland