Washington, (HWN/Reuters):- Masuul sare oo ka tirsan xarunta saadasha iyo la socodka xanuunada dilaaga ah iyo cudurada ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday, in xukuumada Maraykanka iyo laamaha ku shaqada leh xanuunada kala duwan ee dalkaasi ay digniin kama danbays ah ay u kala direen, sagaal iyo sodon dawladood oo ka tirsan dunida.
Sida masuulkaasi sheegay dalalka digniinta ay xukuumada Maraykanku u dirtay ayaa ah, waddamada muwaadiniinta ka soo jeeda, ay xagaagii in dhaafay booqdeen seeraha qaranka ?Yosemite National Park?, kuwaas oo laga yaabo inuu haleelay virus-ka dilaaga ah ee Hanta
lagu magacaabo kaas oo ah mid laga qaado jiirka.
Masuulkan oo lagu magacaabo, Dr. David Wong ayaa waraysi uu siiyay wakaalada wararka ee Reuters ku sheegay in toban kun oo qof oo booqday deegaankaas uu haleelay virus-kaasi, kuwaas oo degaanka ?Yosemite? u dalxiis tagay intii u dhaxaysay bilihii June ilaa August, sida uu masuulkaasi sheegayna dib laga ogaaday in 2500-qof oo ka mid ahi ku nool yihiin waddamo ka baxsan Maraykanka.
Dr. Wong isaga oo sharaxaad ka bixinaya arrintan ayaa waxa uu xusay in masuuliyiinta wasaarada caafimaadka iyo daryeelka adeega bulshada ee dalka Maraykanku ay sagaal iyo sodon dawladood la socodsiiyeen todobaadkii dhamaaday in muwaadiniintoodi booqday seerahaasi ay halis ugu jiraan inuu haleelo virus-kaas dilaaga ah ee ?Hanta? oo ah mid laga qaado jiirka, sidaa daraadeed ay waddamadii dadkaasi ka yimaadeen oo u badan dalalka Midowga Yurub u gudbiyeen digniin la xidhiidha cabsida cudur sidahaas laga qaado jiirka.
Xanuun sidaha ?Hanta? ee jiirku faafiyo ayaa ilaa wali afar qof u dhimatay, waxa kale oo uu haleelay afar iyo toban qof oo wali laga dawaynayo kuwaas oo dhamaantood ah, dad u dhashay dalka Maraykanka, xanuunkan oo ah mid haleela sanbabada iyo neef mareenka waxa uu si deg deg ah u burburiyaa, qaybaha neef mareenka taas oo horseeda in qofku si deg deg ah ugu dhinto.
Sida masuulkani sheegay xanuun sidaha Hanta ayaa markii uu asiibay dhawr iyo tobanka qof ee Maraykanka wada ah, qasab kaga dhigtay laanta ka hortaga cudurada iyo daryeelka guud ee caafimaadka aadahama u qaabilsan dalka Maraykanka in ay digniino deg deg ah u kala dirto dhamaan dalalkii ay dadkoodu u dalxiiska tageen beerta qaranka ?Yosemite? ee dalka Maraykanka.
Xanuunkan ayaa dhamaan dadkii uu haleelay u badnaayeen kuwo degay ama fasaxooda ku qaatay meelaha godadka taariikhiga ah ee la tago, ee u dhow degaanka seeraha ?Yosemite? ku yaalo, sida dhakhtarkani sheegayna malaha xanuunkani wax dawo ah, hasa yeeshee qofka oo marka ugu horaysa ee uu ku soo boodo la baadho ka dibna degdeg loo siiyo dawooyin ayaa kaliya u ah xal.
Ugu danbayntii waxa uu dhakhtarkani sheegay in digniintoodu la xidhiidho sidii looga gaashaaman lahaa, virus-kaas dilaaga ah, oo qofka uu haleelo ay adag tahay inuu ka badbaadaa haddii aan nololi u baaqi ahayn, waxaanu dhakhtarkani u soo jeediyay dhamaan dadyowga dunida kuwa, Maraykanka ku nool iyo kuwa booqday seerahaas in ay ka digtoonaadaan, xanuun sidaha ?Hantavirus? ee jiirku dhaliyo.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com