Medellin, (HWN/Agencies):- Haweenaydii loogu yeedhi jiray isla markaana dunida iyo dalkeeda looga aqoonsaday magaca Boqorada xashiishada Kookaayiinta ?Queen of Cocaine? ayaa maalintii isniintii todobaadkan ku geeriyootay dalkeeda, waxaana la helay maydkeeda oo laba xabadood oo rasaas ahi madaxa kaga yaalo sida warbaahinta degaanku ku warantay.
Haweenaydan loo yaqaanay boqoradii Kookaayiinta oo magaceeda rasmiga ahi ahaa, Jerisilda Balnco, waxa ay geeriyootay iyada oo da?deedu tahay, (69-jir), waxaana toogtay oo dhimashadeeda sababay qof aan ilaa
wali la aqoonsan meesha uu ka socdo iyo sumadiisa toona.
Haweenaydan ayaa la toogtay wax yar uun ka dib markii ay ka soo baxday dukaan ay ka soo adeeganaysay oo ku yaalay deegaanka Medellin oo ah magaalo ku taala waqooyiga dalka Colombia, sida warbaahinta dunida inteeda badani xaqiijisay.
Jariirad ka soo baxda dalkaas oo lagu magacaabo, (Alasbektador) ayaa maanta baahisay, warkan iyada oo xiganaysa, nin ka tirsan ciidamada booliska dalkaas, oo lagu magacaabo, Mauricio Cartagena, waxaanu sarkaalkaasi sheegay in haweenaydan loo yaqaanayay, ?Queen of Cocaine? la dilay iyada oo ka soo baxaysa dukaan hilibka laga iibsado oo sida muuqata ay ka adeeganaysay, waxaana toogtay sida sarkaalkaasi sheegay laba ruux oo aan haybtooda ilaa wali la aqoonsan, balse watay dhug dhuglay.
Jerisilda Blanco waxa ay ahayd ganacsadihii ugu waynaa ee xashiishada u kala waaridi jirtay waddamada ku teedsan silsilada buuraleyda Andes loo yaqaano ee qaarada Amerika, waxa kale oo sanadihii todobaatanaadkii iyo sideetamaadkii qarnigii hore ay ahayd tahriibiyaha ugu wayn ee xashiishada u kala dhoofiya, Colombia iyo Maraykanka, taas oo ahayd sababtii ay kula baxday magaca boqorada kookaayiinta "Queen of cocaine".
Blanco waxa sanadkii 1985-kii lagu qabtay dalka Maraykanka waxaana lagu xukumay xabsi lixdan sanadood ah, waxaanay labaatan sanadood oo buura ah ku dhamaysatay nolosheeda jeel ku yaala dalka Maraykanka, ka dib markii lagu helay in afar qof ay gacanteeda ku dishay, hasa yeeshee waxa la sii dayay sanadkii 1994-kii wakhtigaas oo ay dalkeeda Colombia si toos ah ugu noqotay dibna u bilowday ganacsigii xashiishada.
Haweenaydan ayaa lagu tilmaamaa dadka ugu halista badnaa dunida, waxaanay dad badan oo aqoon u lahaa sheegeen in ay gacanteeda ku dishay ama amarkeeda ay ku dhinteen dad tiro badan, sidoo kale waxa lagu tilmaamaa in ay ahayd qofkii tababaray ee ka ganacsiga xashiishada bartay ninkii ugu halista badnaa dunida ee reer Colombia ee lagu magacaabi jiray, Pablo Escobar, kaas oo ka ganacsan jiray xashiishada dalkiisana dhibaato iyo dagaalo badan ka abuuray ka hor intaan la dilin sanadkii 1993-kii.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com