Salaan diiran iga gudooma Warbaahinta sharafta le:
Gaboose Khudbadii amaanta ahayd ee uu jeediyey markuu xilka wasiir nimo ka degey ee uu ku amaanayey Silaanyo iyo waxa iminka uu kula hadlaa madaxweynaha waa laba kala jaada. Gaboose wuxuu u heystaa in aflagaadada dowlada siiba Sillanyo uu taageera yaal ku kasbanayo. Taasina wax nin siyaasi ihi uu ku fikiro maaha. Gaboose wuxuu caado ka dhigtey intan ololaha doorashada deegaanku socoto in uu xaflad walba ka aflagaadeeyo Silaanyo mar mar na uu beesha madaxweynu
ka soo jeedo ku daro af xumida aannu uu meel deyin ee uu garan kari la?yey beel dhan in aannu haleyn haduu doorasho deegaan raadinayo. Hadaba Gaboose miyaannu caqli qabta lahayn. Halkii uu Madaxweynaha uuga abaal gudi lahaa ayuu waxa uu ku takhasusey ood moodaa in uu yahay dhakhtarka ceyda. Gaboose cidna kama cilmi badna oo dadka culimada dhabta ah ee dalka jooga sida Hassan Isse Jama ama Abdirahman Ciro ama Jamaal Cali Hussien cidna ma ceebeeyaan cidna kama cabtaan. Cilmiga Gaboose wareeriyey waa jaamacadii xamar ( Mogdishu Medical School ) iyo taba bar yar oo uu talyaaniga u tegey. Dabeed abtigii Afweyne oo cid kale aamini waayey ayaa dhakhtar khusuusi ah ka dhigtey?Gaboose ha ogaado in aan dadku ilaabin markuu lahaa isaxaaqu iyagaa guryaha iska gubay, markuu Gabiley ka lahaa sharcigu sida dadku doono maaha ee waa sidaan anigu doonaa, markuu Burco kalahaa dadkani dad la xukumi karo maaha oo milateri uun bay ka biqi la haayeen?.Weedhahaa noocaasi ninka ay afkiisa ka soo baxaan cidi ma doorato?.Adna Gaboosow gudcur baad gudeysaa dalka in aad xukunto ayaad cindiga ku heysaa. Allow yaa kuu sheega in aan xisbigaago geedkaa gaadheyn oo beri marka aad soo dhacdo aad ku waalan Silaanyo ayaa i reebay ee waan soo bixi lahaa.. Aad baad u taqaan cabatinka iyo calaacalka iyo canbaareynta ba. Waxaad tahay nin ajanibi ku ah Somaliland oo Mudug ku dhashey xamarna ku korey oo reer Somaliland aanay sinaba isu fahmi Karin dooran Karin na. Hadaad tamar Leedey Gabooswo waad tartami lahayd ee aflagaado joogta ah maad miciin sateen. Ka baro siyaasi sida loo noqdo Abdirahman Ciro, Hassan Issa Jama iyo Jamaal Cali Hussien?.. Waxa se sidaa weliba kuu dhaanta in aad u guurto halkii aad ku soo kortey eed macno garaneysey?Halkan Somaliland baa la yidhaa weligaa ka geyoon meysid adoo af adag ku hadlaya, iskuna diri kari meysid beelaha wada degen sida aad had iyo jeer isku deydo.Nin ajanibi ihi Somaliland vote ka heli maayo taana waa la hubaa?.Dhow dhowdu caduur umay dhicin. Vote ka heli meysid beesha aad ka soo jeedo eed ka dhex lahayd Abdirahman Tuur anaa Hargeisa ka mastaafuriyey?.Ninkii ina Cigaal ee kugu guurey waakii intuu xilkii wasiir nimo kaa qaadey ku yidhi ?mashruuci wuu dhamaadey?. Isaga oo kaaga jeedey beeshaada ayaan kuu isic maalaayey oo iminka mashruuci wuu dhamaadey?. Gaboose dadku wey kaa shisheeyaan oo kaa so keeyaan oo waxaad tidhi kelmad kelmad baa loo hayaa ee iska naso yaa ku yidhaa ha is daalin doorasho xisbigaagu ku soo bixi maayo e.
Luula Abdi
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga