Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Talaabada Xigta. Mamnuuc W/Q-Ceelaabe


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 06, 2012
Bulshadeena waxa lagu Tirayaa Dadyowga aan Ixtiraamin Xeerarka iyo Shuruucda Qoran.Waxa si toos ah loogu Dhaliilaa dad

Bulshadeena waxa lagu Tirayaa Dadyowga aan Ixtiraamin Xeerarka iyo Shuruucda Qoran.Waxa si toos ah loogu Dhaliilaa dad aan Sharcigu Hagin Noloshooda.Waxa in badan laga Hadlaa Dastuur ama Xeerar qoran oo aan la dabaqin.Wax Kasta inta La Qorey ayaa la baal marey.Sharci kasta oo Diinta Islaamku Jideysey ayeynu Garab Marney.Sharci kasta oo dad samee ah ayeynu garab Marney,Ka dibna waxa Sharciga Dhabta ah inoo Noqdey Hadba wuxu qof kastaa Rabo in uu Helo.Xeerka iyo Sharcigu wuxuu keenaa in la kala danbeeyo ama Bulshadu ay ka baqdo Maamulka.Somaliland waa Meel aan la kala baqin,waa Meel aan Ixtiraam Dawladnimo dhab ahi oolin,Waana Meel aan Qadirin iyo Tixgelin loo Heynin Shacabka iyo Dadka Rayidka ah.Boqolaal

ayaa cadaalad daro ka cabanaaya,Hadana wixii Sharcigu u Jideeyey la og yahay.Boqolaal ayaa ku Takri falaaya Hantida dadweynaha iyaga oo og in Sharcigu aanu u Fasixin Cunidaasi.Waxa Maskaxdeena ka baxey Erayga Mamnuuc,Jooji,Ha u dhawaan,Yaan lagaa Maqlin,Yaa lagugu Arkin,Ha yeelin,Ha cunin,Ha jebin Sharciga.

 

Jebinta Sharcigu Dadkeena u fududaa.Qorida Sharcigu dadkeena la fududaa.Ku Dhaqanka Sharciguse ku adakaa.Maxaa laga cararaa Sharciga marka wax lagu waayaayo,Maxaase lagu soo Ordaa Marka wax lagu Helaayo.Sida Xeer No 20 Yidhi waa Marka wax lagu Helaayo.Waar Sharcigu Miyaanu Qorin wax labadeenaba inoo Fiican,Ma mid ayuu garabka saarayaa.48 Saacadood qofka waa in Maxkamad lagu horgeeyo oo Dembigiisa la cadeeyo Ayaa lagu suntey,Hadana Boqolaal ayaa sanado iskaga xidhan bilaa dembi.Mararka qaar waxaad is odhaneysaa Malaa Somaliland oo dhan ayaa ah  Filin dadka lagu sii Maaweelinaayo,Dad ka daacad ah Maamulkeeduna wuu Yar yahay.

 

Ma Jirto Nolol Qiimo Sharci ah  ku Fadhida oo Somaliland ka Jirtaa.Horumar kasta oo La gaadhana Waxa ku Jira Madow iyo Nidaam xumo Baahsan.Dadkeenu waa kuwa Alaabta Dhacdey iibinaaya,Waa kuwa waxa ay doonaan Siiya.Ma yaqanaan Mamnuuc.Ninka Qiimaha Raashinka sida uu doono Ka yeela ee Sharciga u sameystey Muxuu dawlada ugu dhaliili Cadaalad daro ayaa ka Jirta.

 

Ha ku cabin Guriga sigaar,Ha ku cabin Baabuurta gaadiidka dadweynaha,Ha ku dhex Cabin Maqaaxiyaha iyo Meheradaha,Ha ku cabin Dhakhtarka,Xafiiska Shaqada,Dugsiga dhexdiisa waa Mamnuuc.Nin taliye ciidan ah ayaa Baska nala soo raacey ka dibna isku dayey in uu Baska ku dhex cabo sigaar.Dadkii oo dhan ayaa ka Naxay Direyskiina kula Yaabey.Ha cabin Khamri waa Mamnuuc,Markaad baabuurka wadato kaba sii daran.Taliyaha wiilka toogtey,Waa Madaxdii wadanka oo hadana Cabsan,Waxaasi ayaa  Meelo badan somaliland Heysta.Waa Mamnuuc Khamrigu wadan Muslin ah.

 

Fadlan Muwaadin baqo oo Baro erayga Mamnuuc oo Xashiishka Meel kasta ha ku qubin.Wadooyinkana ha soo Dhigin.Xashiishka Qashinka dadka ha la Fadhiisan gidaar iyo banaan la maro,Bacaha iyo Caagadaha biyaha iyo Garaabada Jaadkaaga ha kaga kicin meeshaad Fadhido.Musuq Maasuqu waa Mamnuuc,Maamulxumadu waa Mamnuuc sharci daro ah,Cadaalad daradu waa Mamnuuc.Beenta dadka loo sheegaa waa Mamnuuc,ha sameyn,Ha odhan,Ha yeelin wax aanad qaban Karin.Balan aanad ka soo baxeynin dadka ha ku beerlaxawsan.Ha u dhawaan hantida dadweynaha waa kaa Mamnuuc.Wax aanad Xaq u laheyn ha cunin.Hantida dadweynaha ha ku xadin Qalin.Siyaasad Qabiileysan ha ku dhaqin wadanka waa kaa Mamnuuc.

 

Baabuurka Meel khaldan ha kaga tagin,Ha dhigin wadada Dhexdeeda,Afkana ha buurin.Kibirnimadu ku badanaa dadka baabuurta wata.Taraafigu wa Sharcigii,Hadaad Maqli weydo Taraafiga sharcigii ayaad burburisey.Waxa Mamnuuc ah Barnaamij dadka isku diraaya,Waxa Mamnuuc ah Filin la daawado oo dhaqan xumo keenaaya,Waxa Mamnuuc ah in Bulshada dhexdeeda lagu faafiyo goobaha lagu tunto ama party iyo Hudheelada habeenkii wakhti danbe furan si loogu sameeyo fasahaad.Buug Taariikhda ama Karaamada Bulshada iyo Arimaha diinta meel kaga dhacaaya lama qori karo.

 

Jidadka la Maro Meherado ha ku soo Xidhina.Hortiinu waa Wado ee ha kireynina.Wadooyinka ha xidhina.Dawlad laga biqimaayo,Ixtiraam ma Jiro.Dawlad wanaagsani Ma jirto.Biyaha uskaga ah ha ku shubin Wadada cusub ee la dhisey,Uskagii hudheelka wadada ha ku soo daadin.waar wadada Miyaanad laheyn.Wado Xaafaayadahaga Marta Mid ayaa Geerash baabuur iskaga Xidhey.Ma garanaayo Xaqa wadada,Dawlad uu ka Baqayaana Ma jirto.Dawlada Goorma la Ixtiraamaa,Marka cadaalad lagu arko.Dawlada Sekado badana iska dhaafeysa,Qaar kalena dumineysa.

 

Saxaafada wax ka Mamnuuc ah in ay qorto warar iyo Faalooyin been iyo dhiilo Xambaarsan oo dadka iska hor geeya,Qoraagana waxa ka Mamnuuc ah in uu Qalin u qaato arimo dadka Khilaaf ka dhex dhaliya.99% dadka wax soo qoraa Arimaha siyaasada ayey ka Hadlaan.Siyaasad,qabyaalad iyo Sad bursi ayaa ina Biyo Dhigey.Ciroole iyo Ciyaal Siyaasad ayaa la wada  eegayaa,Rag iyo Dumar looma kala hadhin.Waxa ina biyo Dhigey oo geed inoogu Xidhan Xamaasad,Laab la kac iyo Mucaaridnimo loo wada Guntado.

 

bal waayahaye Yaa sharci ogol.kii loo Dhiibey kuguma wada Dhaqaayo,Shacabkiina Shaki iyo amar diido ayaa biyo dhigtey iyo Reer hebel ayaa loo Jeedaa. Wax kasta dadkii wey ka hadlayaan,Nin kastaa waa Professor iyo Aqoon-yahan.Ninkastaa waa kan Keligii Suldaan isku Caleemo saarey,Ninkastaa waa kan Yidhi siyaasi baan ahey,Ma jirto waa laga leeyahay ama ma taqaanid.Somaliland Naxariis ilaahay ayey ku taagan tahay laakiin Shacabkeedii intooda badani wey baal marsan yihiin Dhabihii iyo Tubtii lagu heli lahaa Horumarka lagu Hamiyo.Sharci waa ka ilaahay,Caqliga iyo Garaadkuse waa in uu Shaqeeyaa.

 abdifataah mahamed ahmed
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.