Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


FAYSAL CALI WARAABE TOLOW MA ISDHEGEYSTAA MISE WAA JAANTAA ROGAN by Dahir Jama


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 06, 2012
marka hore salaan u gudbinayaa dadweynaha reer somaliland iyo bahweynta hadhwanaag news : mar labaad

marka hore salaan u gudbinayaa dadweynaha reer somaliland iyo bahweynta hadhwanaag news : mar labaad waxaan jeclaaday maanta inaan u caqli celiyo Inadeerkay faysal cali waraabe oo aan mudaba la yaabanaa hadalo ka soo burqanayey afkiisa oo naxli iyo cuqdad iyo wax isku dir xambaarsan .

waxaan faysal u sheegi lahaa inuu marka hore sii shaandheeyo hadallada uu ka odhanyo madasha intaanu tegin oo uu xisaabta ku darsado weedhaa haddaad tidhaahdo ma taageero ayey kuu soo kordhinaysaa mise ummad bay kaasii firdhinaysaa  oo waxyeelo ayey u keenaysaa ololahaaga xisbi waakii ninkii abwaanka ahaa gabaygiisa

ku sheegay qowlkaaga qorkaa laga idleeyaa intuu kuu qarsoon yahay , Rasuulkeenii suubanaana sheegay basharow ama khayr ku hadal ama iska aamo.. dilka iyo fidna abuurkana waxa khayr roon dilka sida Ilaahay quraanka inoogu sheegay. Hadaba saaxiib faysalow marka aad qudbad jeedinaysid ha ka dhex abuurin dadkan walaalaha ah gaar ahaan beelweynta Garxajis fidno iyo isnacayb waayo hadalladaadu waxau iigula muuqdeen sida ( un guided missiles ) . waxaan uga socdaa taa xalay ayaa anigoo dhegeysanaya hadal uu faysal ka jeedinaayey degmada salaxlay ayaa waxa uu wax ka sheegay sida uu beryahn dambe caadaystay faysal Cabdiraxman cirro iyo ururka wadani , waxa ila fadhiyay madasha laba hablood oo aan midna abti u ahay midna aan adeer u ahay tii aan abtiga u ahaa ee ay isku beesha ahaayeen faysal ayaa xanaaqday oo igu tidhi odaygan waalan maxaa laga siiyaa abtigay Cabdiraxman iyo xisbigiisa wadani kuwa kaleba ma caayee ee daba dhigay . waxaan is idhi qanci oo cadhada ka saar markaasaan ku idhi waxba maleh abti xisbiyadu marka ay loolan doorasho ku jiraan way isu tiriyaan sida dumarka .. inyar dabadeed tii aan adeerka u ahaa iyo iyadii ayaa show hadalkii sii waday gacantaabay isa saareen iyagoo u kala saftay ucid iyo wadani aniguna dhenged baan u qaatay oo labadoodiiba gawda kaga saaray kuna idhi mar dambe yaan idinka maqlin idinkoo hadal haya qudhunkaa. horta taas baa maqaalkan igu kalliftay waayo fidnada ugu yar ee hadallada naxliga ahi abuuri karaan bay ka mid tahay . waxaan u sheegi lahaa Faysal jooji hadallada noocaa ah ee xataa carruuraheeni cuqdad isu gelinaya ma kala maarmaan reeruhu Ilaahy baa oday ka wada beeray waxan xisbiyo ku sheegga ahina wey iska dhammaan berriba. hadalkaygu waa nasteexo talo iyo caqli celin ee haw qaadan inaan ujeedo ka leeyahay ..

 

wa billahi Towafiq

 

Dahir Jama

Jeddah, SA

dahir_jama@yahoo.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.