Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Fadhi ku dirrir, fari kama qodnaa!! by Ibraahim Aw- xassan ismaaciil (Waaberi)


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 06, 2012
Xeer uma qornaa, waqtina uma xadidnaa, yoolkoodu ma dheeraa, ficilkooduna ma badnaa, hadalkooduna ma hakado

Xeer uma qornaa, waqtina uma xadidnaa,  yoolkoodu ma dheeraa, ficilkooduna ma badnaa, hadalkooduna ma hakado. daal haduu dareemana hurdo ayuu doontaa, waxna waa soo cunaa, tamar iyo firfircooni cusub hadduu soo helay, wuxuu  kabaha usoo iilladaa bartii  xalay uu fadhiyay  iyo waliba dad gaar ah oo ay iskugu baxdo sheekadu.

Haddii wax laga qori lahaa ama laga duubi lahaa waxaa  kasoo bixi lahaa dhibaatooyinka iyo cuddurada dalkeena , qaaradeena iyo waliba adduuunka oo kooban oo wata xalkoodii iyo

daawooyinkoodii.  Nasiib darro se iyagu ma dhaadanaa waxay ku hadlayaan  mana yaqaanaan goor ay noqdeen siyaasiyiin, aqooyahano iyo waliba sharci yaqaano ku xeel dheer ta islaamka iyo tan kalaba . ma hubo mana dareensanaa inuu asiiibay iyo inuu baal maray, wuxuunbaad arki  inuu difaac ku jiro,  in aan hadalka lagaga dambeynayn iyo waliba inuusan  waxba reebanayn oo uu banaanka soo dhigaayo awoodiisii garasho  iyo waaya aragnimo wuxuu lahaa.

Af hayeen ma lahaa,  hogaamiyana ma lahaa mana garanaysid waxa hadlka u qaybinaaya , wuxuunbaad ku war heli kolba mid makarafoonka haysta,  kolba mid badweynta mala awaalka iyo khayaalka dhex haahaabaaya, kolba mid ay kasoo butaacayaan wixii niyadiisa kusoo dhacaaba.

Waa Meelo ka mid ah Qurbaha  iyo waliba wadanka gudihiisaba sida  qaxwooyin iyo goobo la iskugu yimaado isla markaana lagu kaftamo, lagu doodo, lagu diriro iyadoo la falanqeynaayo ama lakala dhig dhigaayo arimihii lasoo dhaafay, kuwa markaa taagan, mararka qaarna la saadaalinaayo kuwa soo socda.

Waxaa la isku waydaarsadaa  hadalo iyo erayo aad u dhaxal gal ah xikmad iyo murti badan, runta ku salaysan mararka qaar  waad jeclaysanaysaa oo dhagtaad la raacraacaysaa, waad u qushuucaysaa oo waad u riyaaqaysaa  sida loo qaadaa dhigaayo arimo loo taag iyo maareyn la?aa,  iyadoo waliba runta la isku sheegaayo wax la isku qarinayaana  aanu jirin.  midbaa xanaaqaaya, laakiiin loo joojin maayo  cadhadiisa  ee sutidaa  loo sii hayanayaa isla wixii uu ka xanaaqay, si looga hadho  mar labaad ayuu  jidkii kaftanka kusoo dhacaayaa isagoo markan raba in aanu ka dhicin baabuurka laakiin ugusoo tala galay inuu qaar isagu kaa daadiyo ayuu halkii kasii wataa.

Muddo ka dib Way iskugu baxdaa mid ku cusub mooyee is jiidhka iyo is fahan waagu wuu ku yaraadaa, waxaad moodi  in macalin wax soo wada baray, waa isku fikir waa isku dabeecad waana isku jiho, laakiin libinta iyo guusha midna midka kale uma ogalaado ee waa ay kala dhacsadaan iyadoon wax xag xagasho ah iyo gacani aysan meesha ka dhicin, taageerada iyo hiilku waa iska caadi , waxaase mararka qaar aad arkaysaa iyadoo mid walba mid kale ka aragti duwanyahay, hadana hadaad usii fiirsato waxaa  kuu soo baxaaaya inaysan aad u kala fogayn ee waxa ay ku kala duwanyihiin ay tahay uun kaliya  kadimada  ama dariiqayada dooda markaa socota oo aad u badnaa oo midba mid uu kasoo galay, taas oo aad ka dareemayso gabagabadii iyagoo isla haysta oo sheekadu ay iskugu dhacday ka dib markay iska war heleen in ay meel uun usoo wada socdeen balse midba kadin uu kasoo galay aradaaga.

?waqtigu waa ordaayee waa maxay amintan  wali aan dhaqaaqynin?? midbaa mid kale weydiiyay suaashan?markaasuu wuxuu ugu jawaabay kii kale  ? wadanku waa sidii uune  adigaa warwar beeloo, war uun meesha ku hayoo, waxba aan qabsanaynin ?.

 

 

Ibraahim Aw- xassan ismaaciil (Waaberi)

Qaahira/masar

Ibro29@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.