Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Go´aamada Is-barkan Ee Mugdiga Galinaya Qaranimada S/land Ee Xukuumada Kulmiye Ku Talaabsatay Mudadii Ay Talada La Wareegtay Iyo Dadweynaha Oo Shaki Ka Muujinaya


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 09, 2012
Hargeysa, -(HWN) Go´aankii Lagu Laalay Xeerkii Mabnuucayay Ka Qaybgalka Shirarka Somaliweyn Oo Xukuumada Kulmiye Dabarka Ka Jartay Go?aanka Golaha Wasiiradu Ay Todobaadkii Hore Ku Ansixiyeen In Baasaaboorka TFG-Da Somalia Ay Shacbiga Somaliland Sanadkan Ku Xajiyaan

Go?aankii Lagu Laalay Xeerkii Mabnuucayay Ka Qaybgalka Shirarka Somaliweyn Oo Xukuumada Kulmiye Dabarka Ka Jartay

Go?aanka Golaha Wasiiradu Ay Todobaadkii Hore Ku Ansixiyeen In Baasaaboorka TFG-Da Somalia Ay Shacbiga Somaliland Sanadkan Ku Xajiyaan 

 

Hargeysa, -(HWN) - Muddadii Xukuumada xisbiga Kulmiye la soo doortay ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay ka soo wareegtay muddo laba sano iyo saddex bilood ah ayaa mudadaasi waxaa dalka

ka dhacay dhacdooyin iyo go?aamo kala duwan oo shacbiga ku abuuray walaac iyo dareeno shaki leh, kuwaas oo dadweynuhu su?aalo iska waydiiyeen saamaynta ay go?aamada xukuumada Kulmiye ka soo baxay ay ku yeelanayaan qaranimada iyo gooni isku taaga Somaliland xili ay isbadalo siyaasi ahi ka socdaan Somalia.

 

Go?aamada xukuumada oo shacbiga shakiga ka galiyey aaminaada hanaanka hogaamineed ee dalka oo marka la eego dareenka shacbigu ka istaagay talaabooyinka ay xukuumadu qaaday ay ku tilmaameen kuwo lagu degdegay oo dhabar jab ku ah qaranimada iyo madaxbanaanida dalka.

 

Go?aamadan is barkan ayaa waxa ka mid ah:-

 

1. Go?aankii lagu laalay xeerkii mabnuucayay ka qaybgalka shirarka Somaliweyn ee xukuumadu culayska ku saartay labada gole ee Baarlamaanku in sharcigaasi dabrayey xubnaha ka qaybgalka maamulada Somalia loo dhisayo.

 

2. Mawqifki taageero ee xukuumadu la garab istaagtay ansixintii distoorka Somalia ee Muqdisho lagu go?aamiyay, kaas oo dhulweynaha Somaliland loogu qeexay gobolo Somalia ka tirsan.

 

3. Go?aanadii ka soo baxay kulankii wada hadal ee Somaliland iyo xukuumadii Sheekh Shariif ee TFG-da Somalia ee wakhtigeedu dhamaaday ku dhexmaray London, qodobkiisii 6aad ee dhigayay in ku meelgaadhka Somalia la soo afjaro, kaas oo shacbigu shaki wayn ka muujiyeen.

 

4. Go?aanka la sheegay in golaha wasiiradu ay todobaadkii hore ku ansixiyeen shirkoodii golaha wasiirada in Baasaaboorka maamulkii TFG-da Somalia ay shacbiga reer Somaliland sanadkan ku tagi karaan Xajka, kaas oo ay hore xukuumadu dadka uga mabnuucday, isla markaana ay dad reer Somaliland ah oo iibinta Basaaboorkaasi xafiis uga furtay Hargeysa xabsiga u taxaabtay, go?aankaasi lagu sheegay in xukuumadu ku fasaxday qaadashada Baasaaboorka Somalia, oo shacbigu wakhtigan xaadirka ah ku noqday mid u qaadan waa ah ayaa ka mid ah dhacdooyinka taabanaya ama mugdiga galinaya madaxbanaanida.

 

5. Go?aankii xukuumadu ay dabayaaqadii August 2012-ka ay ciidamada qaranka kaga soo saartay deegaanada Maygaagle iyo Sool-joogto ee duleedka Buuhoodle, ayaa ka mid ah dhacdooyinka xad gudubka ku ah qaranimada iyo dhulwaynaha Somaliland, taas oo shacbigu ay ku tilmaameen arrin xad gudub ku ah qaranimada, isla markaana ka mid ah arrimaha mugdiga galin kara qadiyada gooni isku taaga iyo mustaqbalka xuduudaha dalka, iyadoo fadhiisimadii ay ka soo baxeen ciidamaduna la sheegay inay soo dageen maleeshiyaad Somaliland diid ah.

 

6. Go?aankii ay labada gole ee Baarlamaanku ku laaleen diiwaangalintii codbixiyayaasha ee lagu galay doorashooyinkii dalka hore uga dhacay, oo ahaa qodobada Caalamku Somaliland ku majeerto, isla markaana ay dheerayd dalka Somalia, kaas oo ahaa diiwaangalin tacab badani ku baxay.

 

 

 

Haatuf.

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.