Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Waxaanu Bulshada Reer Somaliland Iyo Caalamkaba U Sheegaynaa Inaanu Qaadacnay Doorashada Golaha Deegaanka Ee Dalka Ka dhici Doonta?Cali Maxamed Warancade.


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 09, 2012
Hargeysa(HWN):-musharaxa jagada madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Udub Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta ku dhawaaqay in xisbiga Udub qaadacay doorashada golaha deegaanka ee dhawaan dalka ka dhici doonta.

Hargeysa(HWN):-musharaxa jagada madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Udub Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta ku dhawaaqay in xisbiga Udub qaadacay  doorashada golaha deegaanka ee dhawaan dalka ka dhici doonta.

Cali maxamed Waran Cade oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Hotel Shiraaqle ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu sheegay inay maxkamada sare ee Somaliland u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah guddida diwaan gelinta ururada siyaasada.

Ugu horayn  Cali

Maxamed Waran Cade oo ka hadlaya  talaabooyin xaq daro ah oo uu tilmaamay in lagula kacay xisbiga Udub ayaa yidhi ?waxaan halkan bulshada Somaliland ugu soo bandhigayaa talaabooyinka waxshi-nimada ah ee lagula kacay xisbiga Udub iyo taageerayaashiisa si looga reebo doorashooyinka,iyada oo si badheedh ah oo loogu tala galay loo baahiyey arimo lidi ku ah guusha uu doonayo  in xisbiga Udub ka soo hooyo doorashooyinka fooda inagu soo haya oo xisbigu filayo inuu si xoog ah ugu guulaysan doono.?

Cali Maxamed Warancade oo hadalkiisa sii  wata ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Udub mudadii uu talada dalka gacanta ku hayey uu ku soo hogaamiyey sinaan iyo cadaalada waxaanu yidhi ? inaga oo ogsoon in xisbiga Udub yahay xisbigii ugu da?da weynaa ee dalkan majaraha u hayey mudo dheer,kuna hogaaminayey sinaan,cadaalad,iyo midnimida bulshada reer Somaliland.

Horu markooda iyo sidii dalkanu u gaadhi lahaa madaxbanaanidiisa iyo inuu helo xoriyadiisa luntay lixdankii, xisbiga Udub oo la ogsoon yahay inuu dalkan ka soo saaray nidaamkii qabaliga ahaa ee dalka u gaystay dagaalada sokeeye iyo burburka laxaadka leh,kuna walaaleeeyey bulshada reer Somaliland nidaamkii xisbiyada iyo wax wada lahaanshaha, iyada oo la ogsoon yahay in xisbiga Udub uu ahaa kii sida nabad galyada ah uga hir geliyey dalka dhawrka doorasho ee lagu majeerto Somaliland, iyada oo la ogsoon yayay sidii sharafta iyo wadaniyada lahayd ee xisbiga Udub u wareejiyey xukunkii dalka markii ay dhacday doorashada u danbaysay ee dalka ka dhacdaa, iyada oo xisbiga Udub uu  salka u dhigay nidaamka dimuqraadiga ah ee aad moodo in hada laga sii guurayo,loona guurayo dhinicii qabyaalada iyo halaagii dalkani horu uga soo guuray.?

Cali Maxamed Waran Cade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?waxaase ayaan daro ah in maanta xisbiga Udub lagu qaado dagaal waxshi-nimo ah oo la doonayo in xisbigii dalkan hooyada u ahaa lagu burburiyo,lagagana reebo doorashooyinak soo socda, iyada oo loo sii gogol xaadhayo kuwo ka liita xisbiga Udub oo aan la garanayn halka ay dalka gaadhsiin doonan,maadaama nidaamkii xisbiyada badani isku badalay nidaamka ururada qabyaalada badan?

Cali Maxamed Warancade waxa uu in badan ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay in xisbiga Udub loo gaystay ugu danbayntiina waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay in xisbiga Udub qaadacay doorashada golahha deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta dalka waxaanu yidhi ?waxaanu bulshada Somaliland iyo bulshada caalamka ee ku hawlan arimaha doorashooyinka dalka u sheegaynaa inaanu qaadacnay doorashada,ilaa inta laga helayo guddiyo lagu aamini karo garsoorka axsaabta kuna sifaysan dhexdhexaad, magdhawna laga bixinayo wixiii daano ah ee gaadhay habsami u socodka hawlihii xisbiga ee dhinaca u diyaar garawga doorashooyinka deegaanka,  anaga oo dacwad ka dhan ah guddiga diwaan gelinta u gudbin doona maxkamada sare ee Somaliland.?ayuu hadalkiisa ku soo xidhay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Udub Cali Maxamed Warancade.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.