Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.
Waxaan halkan aad
uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Hadhwanaagnews.com
Waxaan inan aan wax yar aan hadlo tartanka ururada siyaasadeed ee uu tartamaya doorashada degaankaa, khaasatan kuwaa galiya tartankaas iyo kuwaa ka hadhi doona tartankaas, waxaana ka mid ururada Umadda iyo Nasiya iyo Dalsan iyo Udub.
Ururka Umaada aan ku bilaabo waa ururka bilahaan ku fashilmay xaga qaabka urur uu socodka kuna orday qaabka inuu yaay xisbi oo mucariidnimo bilaaba !! iyaadu wax yaalo badan loogu qosalay oo ka dhex dhacayn ururkaan xaga hoggankiisa sare!, Ururkana wuxuu ku fashilmay oo ku hadhi doona tartankan mushareax laa?aanta ka taagan ururkan xaga magaalooyinka Garadag- Caynabo- Salaxllay- Ceelafweyn- Laascaanood-shiikh- Berbera- Gabiley, sidaas awgeed waa ururka ugu horya ee hadhaya.
Ururka labaadna waa Nasiye oo ruunti baryahan noqday urur iska horday muudo dheer maa dhaqaali laa?aan iyo taageero laa?aan awgeed aan umalaynaya , sidaas awgeed Ururkan wuxuu ku hadhaya musharaxiin laa?aan awgeed magaaloyiinka Laascaanood-sheekh- Berbera- Ceerigaabo- Ceelafweyn- oodweyne- Burco ?boorama- Garadag- Caynabo- Baligubadle, sidaas awgeed Nasiye wuu hadhaya .
Ururka saddexaadna Dalsan oo xoogiisa saaray musharaxintiisa caasimada hargeysaa laakin oo si cad loo arka inuu ururkan ku guulaysan gobolada kale ee Somaliland inuu soo bandhigo musharaxin tiro badan oo ufiya shuurudaha doorashada , sidaas awgeed Dalsan wuxuu ku hadhaya musharaxiin laa?aan dhamiis tiran magaaloyiinka ceerigaabo-sheekh- Berbera- laascaanood- Ceelafweyn- oodweyne- Burco ?boorama- Baligubadle- Caynabo- Salaxllay, sidaas awgeed Ururka Dalsan wuu hadhaya .
Ka ugu dambaya waa Xisbiga Udub oo ruunti khilaf weyn xisbigan kala rifay, oo sumcadii uu laha bulshweynta dhexdeeda, wakhtiga ay gudiga doorashada uu qabtay ururada inay soo bandhigan musharaxiin dhamays tiran waxxay ku noqonayasa Udub dhib ay ka dhex baxayen ,sidaas awgeed Udub waxay ku hadhaysaa musharaxiin aan dhamays tirnayn magaalooyinkaa Burco ? Ceerigaaboo- boorama- Laascaanood- Caynabo- Baligubadle- Berbera- sheekh-oodweyne- Gabiley.
Waxaana ila tahay kuwaa tartanka galiya oo shuuruudaha dhamis tiraya waa Waddani ? Kulmiye- Xaqsoor- Rays- Ucid waa sida ila muuqata xagayga.
By Mukhtar Cilmi
Khadar2244@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga