Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxaa Sababey Xilka Qaadista Badhasaabkii Gabiley Xuseen Cumar Magan ??????


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 09, 2012
Dadweyanaha reer Gabiley ayaa waxay ku nogotey Fajac iyo Layaab muwaadin xil qaran umadda u haya oo aan wax danbi iyo mashakil sameen oo shaqadiisi wata in la dul keeno ninkal

Maxaa Sababey Xilka  Qaadista Badhasaabkii Gabiley Xuseen Cumar Magan   ??????

 

 

Dadweyanaha reer Gabiley ayaa waxay ku nogotey Fajac iyo Layaab muwaadin xil qaran umadda u haya oo aan wax danbi iyo mashakil sameen oo shaqadiisi wata in la dul keeno ninkale iyada oo aan loo sheegin lana soo marin sifihii sharci ee uu dalku lahaa,meelka dhacna ku tahay muwadinka dadkiisa xilka qaran u haya,hadaba sababtu maxay tahay? dad badan ayaa is weydiinaya muxuu galabsadey masuulku?run ahaantii waa wax basiid ah oo aan u baahneen in aad meel

fog wax ka doonto waa nin jecleysi sida xukuumada silanyo looga bartey mudooyinkan danbe,taasina mid ay filayeen reer Gabiley meey aheen.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Mudane  Xuseen Cumar Magan, ayaa ilaa hadda xilkii uu qaranka u hayey aan ku wareejin badhasaabkii cusbaa ee dhawaan Madaxwayne Axmed Siilaanyo dul keeney u magacaabay gobolkaasi.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaaa dhawaan Axmed Cali Nuur, u magacaabay badhasaabka gobolka Gabiley, isaga oo aan wax xil ka qaadis ku samaynin badhasaabka xilka hore  hayay  mudane  Xuseen Cumar Magan, balse uu war-saxaafadeed uu habeen saq-dhexe uu soo saaray Madax weynuhu (Silanyo) ku sheegay inuu badhasaab cusub u magacaabay gobolka Gabiley isaga oo aan ku muujineen war saxafadeedkaas in uu xilkii ka qaadey masuulkii hore ee Gobolka Joogey Mudane Xuseen Cumar Magan.

Magacaabida badhasaabka cusub iyadda oo aan xilkii laga qaadin badhasaabkii hore oo layaab ku noqotay shacabka reer Somaliland, gaar ahaan reer Gabiley ayaa sidoo kale abuurtay xaalad kacsanaan ah oo ku timid badhasaabka masuulka kale la dul keenay isaga oo aan warqad xil ka qaadis ah aan loo qorin.taasina ay ku tuseyso nidamkii kalidii taliyihii siyaad bare wixii laga dhaxley ee uu dalku ku burburey.

Badhasaabka gobolka Gabiley Mudane Xuseen Cumar Magan, ayaa ilaa markii badhasabka kale lagu dul magacaabay xafiiskiisa fadhiya isla-markaana iska wata hawlihii uu umadda u hayey, isaga oo mar warbaahintu waydiisay inuu xilka wareejinayo iyo in kale u sheegay in aanay jirin sabab uu ku wareejiyo, maadaama buu yidhi aanay jirin xil ka qaadis lagu sameeyay ninka cusubna aanu sidan warag cadeyneysa in xilkii layga warejiyey oo magaceyga ku suntan .

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo wiigi hore ka soo labtay Addis-ababa isla-markaana og inaanu wax xil ka qaadis ah lagu samaynin badhasaabka gobolka Gabiley, ayaan ilaa hadda aan wax xil ka qaadis ah samaynin, qaadina tallaabo kale oo uu ku xalinayo arintan.

Mudane Xuseen Cumar Magan ayaa madax weynaha ka codsadey haddii xilka layga wareejinayo in uu soo maro safaha dawladnimo ,war saxafadeedka lagu sunto magaceyga tan uu ninka cusub sitaa waxaan u arki karaa warag aan meel ay ka socoto la garaneen.

Badhasaabka gobolka Gabiley loo magacaabay Cabdi Cali Nuur, magaciisa lagu soo daray war-saxaafadeedkii lagu magacaabay masuuliyiinta cusub ee wasaarada warfaafinta iyo afhayeenka Madaxtooyadda iyo Maareeyaha Tv-ga Qaranka, iyadda oo aan wax xil ka qaadis ah loo dirin masuulka xilka haya.

 

Halkan ka Akhriso War-saxaafadeedka Lagu magacaabay Badhasaabka Gabiley Ee La Diiday In Xilka Lagu Wareejiyo

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No:JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaabay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta  JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,   Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan.

Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay:Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaradu u  leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka,Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku  xusan,Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilka loo magacaabay,Wuxuu go?aansaday

1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL.

3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland.

 ALLAA MAHAD LEH

 

 

Mohamed Luqman

      London


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.