Hargeysa(HWN):-urur siyaasadeedka Waddani oo ka mida ururada u tartami doona doorashada golaha deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta dalka ayaa maanta munaasibad balaadhan ku soo bandhigay musharaxiin uga tartami doonta caasimada Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo lagu qabtay Hotel Maroodi Jeex ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta urur siyaasadeedka Waddani oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha ururkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),salaadiin,aqoonyahan iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn waxa
munaasibadan ka hadlay Mahdi Siciid oo ka mida masuuliyiinta urur siyaadadeedka Waddani ee gobolka Maroodi Jeex kaas oo sheegay inay soo dhawaynayaan musharaxiintan ururka uga tartamaya gobolka Maroodi jeex isaga oo dadweynihii ka soo qayb galay munaasibadan ugu baaqay inay codka siiyaan musharaxiintan.
Sidoo kale Caasha Xuseen Maraykan oo ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Waddani uga tartamaya gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera ayaa taageerayaasha musharaxiintan u soo jeedisay inay taageero hiil iyo hooba la garab istaagaan musharaxiinta u taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa.
Dhinaca kalana waxay haweenka Somaliland ugu baaqday inay codka siiyaan haweennka u sharaxan doorashada golaha deegaanka ee ka tartamaya gobolada iyo degmooyinka iyo dalka.
Oday Maxamed Nuur Oo Ka mida marti sharafta ka soo qayb gashay munaasibadan oo isaguna ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweyay musharaxiiintan u taagan inay tartanka doorashada golaha deegaanka ee caasimada uga qayb galaan urur siyaasadeedka Waddani,waxaanu tilmaamay inay taageersan yihiin musharaxiintan.
Cali Cabdilaahi oo isaguna ka mida msuuliyiinta urur siyaasadeedka Waddani oo munaasibadan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan musharaxiintan cusub ee u taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee urur siyaasadeedka Waddani Cabdilaahi Siciid Dheere oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey musharaxiinta u tartamaysa doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in urur siyaasadeedka Waddani yahay mid u taagan danta umada isla markaana uu diyaar u yahay inuu tartan xalaala la galo ururada iyo xisbiyada kale ee dalka.
Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa isla markaan ah xoghaya guud ee urur siyaasadedka Waddani oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey musharaxiinta urur siyaasadeedka Waddani uga tartamaya doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa.
Ugu danbayntii waxa munasibadan soo xidhay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) waxaanu ka war bixiyey labadan musharax ee maanta munaasibada soo dhawaynta ah loogu qabtay magaalada Hargeysa kuwaas oo uu sheegay inay u qalmaan inay xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka ka mid noqdaan waxaanu yidhi "Marka hore waxaan u mahad naqayaa dhamaan dadka ka soo qayb galay munaasibadan iyo taageerayaasha labada musharax, waxa farxad weyn noo ah inaanu laba musharax oo dhalinyaro ah soo bandhigno,
Musharaxiintan waxaanu ku soo sharaxnay marka ugu horaysa rabitaankooda marka labaadna inay haystaan taageerayaal, labadan musharax rabitoonkaada musharaxnimadooduna waxay la dhalatay aas aaskii ururka, taageerayaalna way haystaan.
Waxaan ku kalsoonahay inay labadan musharax ku guulaysan doonaan xildhibaanada golaha deegaanka ee cusub, waana marka ay helaan taageeradiina.? Ayuu yidhi gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi