Cumar Fadhiyare, waxaana uu sheegay in Taaagerayashani ay muujiyeen taageerada Reer Burco u hayaan Ururka XAQSOOR.
Badhasabkii hore ee Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin oo k amid ah saraakiisha ururka XAQSOOR aya aisaguna munasibadda ka jeediyey hadalo talo iyo guubaabo isugu jirtey oo uu taageero intan ka badan kaga codsanayey Bulshada Gobolka Togdheer, waxa uu Jaamac c/laahi bin sheegay in ururkay ay hogaaminayaan hogaamiyaal la hubo, isla markaasna isugu yimaadeen qaybihii Bulshada oo dhami, wuxu sheegay inu yahay ururka keliya ee Guddoomiye kuxigeenkiisu yahay Beelaha Bariga somaliand kana soo jeeda Gobolka Sool, sidoo kale wuxu ka dhwaajiyey inu yahay urur ka shaqaynaya isu keenka iyo midaynta bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland.
Caqil Xasan Xusen Oogle iyo Caqil Cali Faarax Diiriye oo iyaguna munasibaddan ka hadlay ayaa sheegay in Ururka XAQSOOR yahay urur Qaranka lagu aamini karo, kana sharraxan yihiin Mujaahidiin iyo Masuliyiin hore loo soo tijaabiyey oo ay ku sheegeen madaxweynekuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland ahna Guddoomiyaha ururka XAQSOOR Muj Xasan Ciise jaamac, cuqaashani waxay sheegeen in ka beel ahaan ay ururka xaqsoor u keeneen murashaxiin xul ah oo beeshu soo xushay.
Layla Cismaan oo ku hadlaysay Afka garabka haweenka ururka xaqsoor iyo Murashaxad Safiya jamac shire ayaa iyaguna sheegay in haweenku kaalin muhiim ah ku leeyihiin ururkan, isla markaasna ururkani yahay urur u xaqsooraya Bulshada, islamarkaasna door muhiim ah siinaya Haweenka iyo Bulshada la haybsooco oo had iyo jeer cabasho dhinaca kuraasta iyo siyaasadda ah muujiya.
Gebogabadii Waxa munasibadda Soo xidhay Guddomiye kuxigeenka Urursiyaasadeedka Xaqsoor Cali Sandulle, waxaa uuna Taageerayasha ururka Xaqsoor ee Burco u sheegay inay koobka qaadeen, oo ay muujiyeen quwad iyo tageero baaxad leh, waxa uu sidoo kale sheegay in ururka xaqsor jecel yahay inu dadka ugu horeysiiyo haween, Bulshada La haybsooco iyo beelaha kale ee Tabashooyinka qaba, siyaasaddiisa ugu weynina tahay in Bulshada reer Somaliland si siman Dalka u wadaagto, waxa uu Cali Sandulle Ballanqaaday in haddii ay guuleystaan hogaanka Dalkan isaga iyo mujahid xasan ciise jaamac anay sida madaxda qaranka caadada u ah fadhiisan doonin Hargaysa oo keliya, oo dadka Dawladad arrin u lehi hargaysa u wada iman doonin balse ay is qaybin doonaan, isagoo sheegay in madaxweynuhu Hargaysa fadhiisan doono Madaxweyne kuxigeenkuna BAriga oo ay hormuud u tahay buu yidhi caasimadda labad ee Burco, waxaana intaas kadib halkaas lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed ay soo bandhigeen kooxo hidde iyo dhaqan ah kuwaasoo lagu soo bandhigay buraanburo iyo ciyaaro kale.