Hargeysa(HWN):-Jaamacadda Geeska (IHU), ayaa waxaka qalinjabiyey dufcadii 3aad oo kuuliyaddo kala duwan ka baxay, waxaanakuuliyadaha kala duwan ugu muhiimsanaakuuliyadda quraanka kariimka ah oo markii ugu horaysay 49 arday ka qalinjabiyeen. qalinjabiyey.
Ardaydan qalinjabisay ayaa kakooban 130 arday oo ka baxay kuuliyado kala duwan oo ay ka mid tahay sharcigaiyo shareecadda islaaamka, culuunta computerka iyo Quraanka kariimka.
Munaasibad balaadhan oo loosameeyey qalinjabinta waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland,wasiirada
waxbarashadda, Maaliyadda, Diinta iyo Awqaafta, marti sharaf iyoardayda qalinjabisay.
Sidoo kale, waxa xafladda ka sooqaybgalay Sheekh Cabdalla Binu Cali oo ka mid ah culimadda waaweyn ee Islaamka,Isla markaana ah xoghayaha ururka caalamiga ah ee xifdinta quraanka,kaas ooardayda ugu bushaareeyey in ardayda quraanka dhamaystay uu u diri doonojamaacaddo kale oo quraanka laga barto si ay mastar degree iyo wax ka sareeya usoo qaadan lahaayeen.
Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlaygudoomiyaha jaamacadda Sheekh Almis Sh. Yaxye X. Ibraahim oo ka waramay maraaxiilkiikala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay,waxaanu si gaar ah u xusay kuuliyadda quraanka kariimka ah lagu baranayo oo uusheegay in geeska afrika oo dhan ay tahay jaamacadda kaliya ee lagu baran karoxiftinka quraanka kariimka kaas oo afar sanno ay baranayeen, isagoo ugamahadnaqay sheikh Cabdalla Binu Cali oo ah isagu aasaasay kuuliyadda nasiibna uhelay inuu qalinjabintoodda ka soo qaybgallo.
Sheikh Almis ayaa madaxweynaha usheegay in arday qalinjabisay ay ka mid ah waxqabadkii ay dalka ku sookordhiyeen, isla markaana arday aqoonta ka dhisan oo dalkooda iyo dadkoodda waxla qabanay ay soo saareen.
Sidoo kale, laba arday oo ka midah ardaydii ka qalinjabisay jaamacadda ayaa iyaguna madasha ku soo bandhigayaqoontii ay barteen, waxaanay af carabi iyo soomaali ku tuseen dadweynihiixafladda qalinjabinta ka soo qaybgashay muhiimadda aqoontii ay jaamacadda kakasbadeen.
Wasiirka Diinta iyo AwqaaftaSheekh Khaliil Axmed Cabdilaahi, wasiirka Maaliyadda, Cabdicasiis MaxamedSamaale, Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo:Samsam Cabdi Aadan,wasiir ku xigeenka waxbarashadda Md: Cali Xaamud Jibriil ayaa dhamaantoodardayda qalinjabiyey u rajeeyey mustaqbal fiican iyo inay dadkooda kaqaybqaataan horumarkooda iyo waxay soo barteen inay uga faa?iideeyaanaqoontoodda.
Sheekh Cabdalla Bani Cali oo ahxoghayaha guud ee ururka xifdintaquraanka kariimka ee islaamka oo isna madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyeymadaxweynaha Somaliland, madaxweyne kuxigeenka, wasiiradda goobta yimid, waxaanu ardayda dhamaystay kuuliyaddaquraanka kariim ah u balanqaaday inuu jaamacaddo dibadda ah u diri doono si ayshahaadooyinka labaad u soo qaadan lahaayeen, korna ugu qaadi lahaayeenbarashadda quraanka kariimka ah.
Sheekhu waxa uu u duceeyeynabadda iyo horumarka ka jira Somaliland, isagoo ilaahayna u baryey inuuhorumarka iyo nabadda ka jira ugu waaro.
Ugu dambeyntii madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaaardayda qalinjabiyey ku booriyey inay wadankooda wixii ay barteen ugafaa?ideeyaan, isla markaana aanay niyad jabin haddii ay hore shaqo u waayaan,balse ku dadaalaan sidii aqoonta ay barteen uga faa?iidaayaan dadkooda.
Hadhwanaagnews.com