Geerisa (HWN) Magaaladda Geerisa oo hoosta Magaalada Lughaya ee gobolka salal ayaa la sheegayaa in ku dhawaad 47 guri, 5 baabuur iyo hanti kale ay ku gubteen, ka dib markii uu maanta dab ka kacay.
Ma jiro cid wax ku noqotay marka laga tago hantiddaasi, balse waxa ay wararku sheegayaan dhirtii magaaladda ku taalay iyo xoolo nooli ay ku basbeeleen isla markaana ay halkaasi ku leedeen.
Inta badan guryaha guryaha gubtay
ayaa kuwo ganacsi ay dadka Magaaladda Geerisa ku ganacsanayeen.
Sida ay qaar ka mid ah goob joogayaal ku sugan Magaaladda Gaarisa oo hadhwanaagnews la soo xidhiidhay ay u sheegeen, khasaaraha ayaa la filayaa in uu sii laban laabmo.
Badhasaabka gobolka Awdal ayaa gaadhay halka uu dabku ka kacay, mana jirto cid wax u qabatay dadka ay soo gaadhay khasaaraha uu sababay dabku.
Lama oga waxa sababay dabkan, balse waxa ay wararku intaasi ku darayaan in ku dhawaad afar qof ay dhaawacyo fududi ka soo gaadheen dabkaasi
Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Hadhwanaagnews