Ma ogtahay muwaaddin in markii u horreysay muddo 21 sanno Somaliland laga bilaabay barmaamuj lagu qiimaynayo shaqsiyaadka ku suntan horumarka dalkooda, dadkoda iyo nafahoodaba?
Waa barmaamuj loo bixiyey qiimee qofkaaga oo abaalmarin lagu sii doono 100-ka qof ee u horreeya ka qaybqaadashada horumarka Somaliland.
Yaa mudan inuu ka mid noqdo 100-kaas qof oo isugu jira qaar wax weyn oo muuqda dalkooda iyo dadkooda ku soo kordhiyey muddadaas 21-ka sanno ah iyo kuwo
iyaguna si qayrul-caadi ah u horumariyey nafahooda?
Ma jiraa in uun qof maankaaga ka guuxaya oo aad is leedahay wuu u qalmaa in waxtarkiisa qaranka Somaliland ku abaalmariyo?
Haddaba, muwaaddin ka qaybgal ololaha codbixinta barnaamijka qaran ee qiimee qofkaaga, hana la bakhaylin ee codkaaga u hur shaqsiga mudan inuu ka mid noqdo 100kii qof ee ugu horreeyey oo qaranka Somaliland ku abaalmarinayo waxtarka arrimaha danta guud horraanta sannadka soo socda ee 2013-ka.
Adigoon isdhibin si fudud codkaaga ugu dhiibo telefoonnada 4834438 Telesom or 9575619 Somtel amma Emailka: qofkaagaqiimee@yahoo.com
Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer kala xidhiidh mareegta www.qiimeeqofkaaga.n.nu oo aad iyada lafteeda ka codayn karto.