Hargeysa (HWN) Urur siyaasadeedka Nasiye oo ka mid ah ururadda siyaasadda Somaliland ayaa la sheegayaa in uu qaadacay ka qayb galka doorashadda Goleyaasha Deegaanka ee La filayo in ay dhawaan dalka Somaliland ka qabsoonto.
Qaadacaadda Urur siyaasadeedka Nasiye ayay wararku sheegayaan in ka dambaysay ka dib markii ay culays ba?an saartay xukuumadda
taas oo aduun lacageed ku baayacday murashaxiinta ay urur siyaasadeedkaasi uga tartami doonta Magaalooyinka Somaliland.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay Kulankii ugu dambeeyay ee ay masuuliyiinta urur siyaasadeedka Nasiye Ku go?aansadeen in ay ka hadhaan tartanka doorashadda goleyaasha deegaanka, balse ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulankoodaasi ugu dambeeyay ay ku cadeeyeen in aanay u dul qaadan Karin ka qayb galka doorashadda golaha deegaanka ee la filayo in ay dalka Somaliland ka qabsoonto.
Mar aanu isku daynay in aanu la xiidhiidh Masuuliyiinta urur siyaasadeedka Nasiye Ayaanay noo suurtogelin, Balse Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in ay si waadax ah bulshada Somaliland ugu cadeeyaan ka qayb galkooda doorashadda golaha deegaanka.
Urur Siyaasadeedka Nasiye ayaa noqonaya kii labaad ee ka hadha doorashada golaha deegaanka, waxaana hore sidan oo kale u shaaciyay in ay ka hadheen ka qayb galka doorashada golaha deegaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Najaxcunaaye52@gmail.com