Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xasan Sheekh Maxamuud, Masuul Doorashadiisu Cirka Ku Laashay Iftiin U Baxayay Somaliland.......!


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 12, 2012
Taas bedelkeeda waxa salaanka ka dhacay Sheekh Shariif oo lagu muquuniyay coddad dhan 190, halka uu ka uruursaday dhibco gaadhaya 74 cod.

Hargeysa (HWN) Doorashadii ka dhacday Dalka Somalia, muddo hadda laga joogo laba habeen ayaa ahayd tii ugu xiisaha badnayd ee laga dareemo dalka Somaliland.

Shacabka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo marka ay maqlaan magaca dalka Somalia, xusuustooda ay ku soo dhacayso dil, dhac iyo boob hantiyeed oo 21 sano ka hor ay u geysteen ciidamadii dawladii mar ugu quwada weynayd Geeska Afrika ayaa si weyn ula socoday doorashadii baarlamaanka dalka Somalia ay dhawaan ku kala xulanayeen


22 murashax oo isu soo taagay doorashadda madaxtinimadda.

Doorashaddan oo ka dhacaysay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa gabogabadii isugu soo hadhay Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka sokow dadka rajadda la soo kacay ee dalka Somalia waxa iyaguna si aad ah ula socday guud ahaanba shacabka reer Somaliland oo la kala jiray labadda murashax.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii dawladda Ku meel gaadhka Somalia, ayaa si weyn looga taageersanaa in uu mar kale ku soo baxo doorashadda madaxtimadda dalka Somalia, kaas oo ay u xeelanayeen sii wadadii wada hadaladda ay hore u bilaabeen labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia, kaas oo ay filayeen in natiijadu ay noqon doonto mid ay mahadiyaan.

Taas bedelkeeda waxa salaanka ka dhacay Sheekh Shariif oo lagu muquuniyay coddad  dhan 190, halka uu ka uruursaday dhibco gaadhaya 74 cod.

Rajo u bidhaamaysay shacabka Somaliland ayaa noqotay hal bacaad lagu lisay, waxaanay taasi god madaw ku sii dhacday ka dib markii uu cadeeyay Madaxweynaha la doortay in aanu marnaba ka shaqayn doonin in ay Somaliland gaar uga baxdo dalkii la isku odhan jiray Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku cusub siyaasadda, balse wakhtigiisa inta ugu badan ku qaatay sidii uu uga shaqayn lahaa arrimaha bulshadda ayaa marka laga tago gudashada waajibaadka loo soo doortay oo ay ku gedaaman yihiin dhibaatooyin badani, aan la ogeyn sida uu u geli doono wada hadaladda labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iyaduna si gaar ah isha ugu haysa dhaq-dhaqaaqyadda Madaxweynaha saaxadda siyaasadda ku cusub ee isagu la buubaya xilkan loo dhaariyay.

Marka laga yimaado in ay hore  xukuumadda Somaliland u balanqaaday in ay wada hadaladda la sii wadi doonto xukuumadda cusub ee ka dhalan doonta dalka Somalia, si cad looma garanayo wakhtiga uu noqon doono.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.