Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Xidhiidh La Leh Ururo Xag Jir Ah Oo Wakiilo Ku Leh Somaliland


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 12, 2012
Hargeysa:-(HWN)-Baarlamaanka Somalia ee todobaadkii hore la soo dhisay ayaa cod aqlabiyad leh Madaxweynaha dalkaasi ugu doortay nin la yidhaa Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Mr Xasan Sheekh Maxamuud

Hargeysa:-(HWN)-Baarlamaanka Somalia ee todobaadkii hore la soo dhisay ayaa cod aqlabiyad leh Madaxweynaha dalkaasi ugu doortay nin la yidhaa Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay ururo diineed xag jir ah oo ka hawlgala Somalia, isla markaana wakiilo qarsoodi ahi u fadhiyaan dalkan Somaliland.

 


MARGIN: 0in 0in 0pt" class=MsoNormal>Mr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ku leeyahay Madarasado, Dugsiyo Farsamo iyo hawlo ganacsi iyo samafal, waxaanu ka shaqayn jiray intii aan loo dooran mansabka Madaxweynaha Somalia sharikadda Isgaadhsiinta ee Hormood.

 

Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa wakhtiyada qaarkood waxa uu ka shaqayn jiray xarunta PRP ee Muqdisho taas oo ay maalgalin jiray hay?ada Interpeace.

Siday ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen, Mr Xasan Maxamuud waxa uu xidhiidh dhow la leeyahay ururada Al-Ictisaam iyo Al-Islaax ee xagjirka ah, waxaanu dhawrkii sanadood ee u dameeyey dedaal weyn ugu jiray siddii uu dhulka Somaliland ugu soo fidin lahaa Mabda?a Wahaabiga ah iyo xarumihiisa waxbarasho ee ka shaqeeya Muqdisho.

 

Mr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Beesha Hawiye/Abgaal waxa jagada Madaxweynaha Somalia kula tartamay 21 murashax oo kale, iyadoo wareegii labaad ee doorashada ay isku soo hadheen Afar Murashax oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Laba nin oo kale oo ay isku hayb yihiin. Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa la sheegay inuu si adag uga soo horjeedo gooni isku taaga Somaliland.

 

 

 

Haatuf.

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.