Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


MAAYIR CABDALLE IYO MOGANAANTA SAAXIL by Ahmed Abdi Egeh


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2012
Halkan waxa aan ka salaamaya umada reer somaliland meel kasta ay kala joogan inta waxa ii dheer inan

Halkan waxa aan  ka salaamaya umada reer somaliland meel kasta ay kala joogan inta waxa ii dheer inan iyagana salaamo shebakadaha somaliland dhamaantood.

Sidan wada ognahay gobalka saaxil wa gobalka ugu dakhliga badan  e gobalada somaliland, gobalkaasi waxa ka soo baxa balayin malayin dollaar. Malayinka dolar labatanki sano ee ugu dambeeyay waxay marayeen wado qaldan,waqtigii marxuunka maxamed ibraahin cigaal waxa u bilaabay  in dakliga ka soo xareedo berbera  u ku xaliyo mashakilka ka jiray somaliland ha ahaato mid dagaal ama ha ahaato mid qabiiled,waqtigii ka dambeeyy ee riyaale xukunka hayay  waxay mid iyana wax lagu xaliyo iyo wax la gees maraba. Wakhtigi n kulmiye halka ay wax ka bedeli  lahayd iyana

waxay noqotay mid iyana madaxtooyada si bila sharciya ugu shubanta.hadaba lacagta malaayinka wax gobalka saaxil dib uga soo noqda ma jirto ,xaaaladaha adeega  ee saaxil ka jirana mar walba way xumayeen, dadka gobta ee reer saaxilna waligood lagama maqal iyagoo ku andacoonaya amba hadal haya  lacagta malayinka ee sida qaldan loo isticmaalayo,

Dulmiga berbera laga galaayay waxa xukumada kulmiye ku sii darsatay boob  ay ku boobayso  macdanta ku duugan berbera,marku kulmaye qabsaday  wuxuu bilaabay


1.Maxjirka adhiga ee berbera  la siiyo indha deer oo hab qabiil lagu siiyay-

2.Ciida berbera oo la rartay. Siiranyo niman isku qabiil ihi rarteen

3,Wershada sibidhka . dahabshiil oo boob so doontay.

4.lacagta madarka berera o toos u qaato wasiirka waxa madarka berbera aan aan tagay bishi ogost, waxayaabaha aan la yaabay waxay ahayd meesha madaarka berbera e wasiirka duulistu maalin walba ku faaano in aan musqusheedi aan la yaabo, waxaan is weydiiyey lacagta madarka ka so baxda inay malaayin ku dhaweed waqtiga qurbu joogtu tagaysay.waxa hubaal ah 5 kun o dollar inay musqulo ku hagajin lahaaye, se jawaabti naftaydu isiisay waxay noqotay in aad moodo in cadow dalka haysto o aan u naxayn dalka,maayirkana haday lexjeclo saaxil ka hayso wax badan kama indho qarsadeen,umada beenta loo sheegayana ha layska daayo.


Umada reer saaxil xogogaal way u yihiin xaqiiqda meesha jirta .Umada reer saaxil waxa ku socday hagardamooyin fara badan o la kowsaday waqtigi xukunka kulmiye,reer saaxilna wa labo qayb.QAYBE WA QAYB INTA DALKA BOOBAYSA KU SI DABA XIDHAN O DHADHAMADOODA EEGTA OO SAXABKA U TUMAY,IYO QOLO MAWADANIIN AH O KA XUN HAGARDAMOOYINKA. Cid walina taariikhda way ky xusantahay oo taarikhduna weligeed ma duugobayso.hadaba hagardamoyinka saaxil waxa ka mid ah.


1.Madarka berbera?.waxa berbera  ku  socda airport burco ujeedoyinka laga leeyahay waxa weeye caqligi ahaa  wershad sibidh mid kale ayaan ka ag dhisaya.madarka berbera marka mid burco laga  ag dhisaayo ujeedadu miyaanay ahayn ka berbera ha la cakiro.se lacagti airport kuwiat ina siisay xage qabatay miyaanay ahayn in lacagti burco lagu dhisaayo o qowda maqashi ahayn.

2. wershada sibadka, oo la doonayo into cabdale maayirka yahay.

3.dekada berbera oo xilkeeda la wareejinaayo , si lacag aan weligeed goain debada loogu shubto

4. milixda  oo qandaraas lagu siinayo dahabshiil.

 

MAAYIRKA BERBERA MIDBAN LEEYAHAY,UMADADA XILBA KA SAARAN , MANSABKU WAA MAALIN INTA AAD HAYSANA  ILAAHAYBA OG SE TAARIIKHBA NIN WALBA  KA HADHA , WAXA MAAYIR KULA GUDBOON IN DADKAAGA WAX AAD KU KORDHISO MOOYE AANAY WANAAGSANAYN IN ADIGA WADO LAGU SOMARO , MANA HABOONA IN BULSHADEENA LUG GOYNO OYNU JAR UGA TALAABSANO, MAAYIR WAXAAD  KA WARHAYSA XAALADAHA BERBERA E  HALISTA  KU SUGAN EE DAGAL  KA DHICI GAADHAY, WAXA DAD BADAN OO REER SAAXIL AH ULA MUUQATA IN REER SAAXIL AAD LUGTA USI QABANAYSID XUKUMADA MAANTA JIRTA,LOOLANKA SIYASDEED EE SAAXILNA AAD QAYB KA QAADANAYSO.WAXAAN MAQAALKAYGAN KU SO GABAGABYNAYA REER SAAXIL  DOORASHADA DEGAANKA WA MID AD KU KALA DOORAN KARTAN KII SAXA. WAXA HABOON IN AAD KA FOJIGNAATAN DABINADA SIYASDEED EE LAYDIN DHIGAAYO ,EE KA DANBEEYAAN ARAGTIYADA FOGFOG E DANAYSIGA GAARKA AH.

 

WA BILLAHI TAWFIIQ

 

Ahmed Abdi Egeh

habashi444@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.