|
|
XAFLADA QALIN JEBINTA JAAMACADA(1) -Ceelaabe (Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2012 ax kastaa mar ayey dhammadaan,waxa la sugayaa saacada ugu danbeysa,xiisaha dhammaadka arintu xan,xanto badanaa
ax kastaa mar ayey dhammadaan,waxa la sugayaa saacada ugu danbeysa,xiisaha dhammaadka arintu xan,xanto badanaa,dhammaadkaa lagu ilaawaa bilowgii,dhammaadkaa lagu ilaawaa dhibtii,dhammaadka lagu xasuustaa wixii soo dhacayba.waa xafladii xafladaha qalin jebinta,qofku marka uu jaamacad ku jiro waa la dareemaa,immisaa idiinka hadhay,goormaad dhameneysaan,goormaad imaneysaa miyaaney jaamacadii kaa dhammaan.waa waxabrashada rasmiga ah ee qofka dareensiisa isbedel si rasmi ah uga muuqda.waa halka uu ka soo tilmaan qaato inta aanu si rasmi ah u shaqo tegin.waa halka ugu dadaalka badan,waa shaqo waxbrasho kuweeda ugu adag uguna wakhtiga badan in qofku kuliyadaha qaarkood 2,3,4,5,6,7 ama 8 sano uu ku jiro.waa waxbarasho dhaqaale badan loo huraayo,waa mid aan la hureyn oo lagamamaarmaan ah,waa
waxbarasho qofka taariikhdiisa ku suntan oo aqoonsi iyo sumcad lagu helaayo.waa waxbarasho keeneysa in qofka lagu aamino shaqo iyo xil masuuliyad culus oo aqoon u baahan wadata.waa waxbarasho qofku uu aaminsan yahay haddii ay ka maqan tahay in wax badani ay ka dhiman yihiin,jaamacad,jaamacada,waa eray iyo xarun waxbarasho oo la soo maro meelaha ugu qiimaha badan.waxaad ku farxi doontaa 4 -tii ama saddexdii sano ee ku dhammaday markaad dhameyso in aad uga soo fa,ideystay sidii ugu fiicneyd,waxaad ku farxi doonta in dhaqaalihii aad bixisay aad ku heshay wax buuran,waxaad ogaan doontaa in wakhtigii kaaga soo lumay waxbarashadu u ahaa mid ku lumay meel qiimo leh,waxaad arki doonta adiga oo ku guuleystay dhibco fiican(GPA),waxaad isku arki doonta sidii qof guuleystay,waxaad sii farxi doontaa markaad shaqo ku hesho wixii aad ka soo dhigatay jaamacada,waxaad farxi doonta marka jaamacad kale ay kaa caawiso jaamacadii hore,waxaad ka farxisay waalidkii,walaalihii iyo qaraabadii dhiirigelinta kula daba taagnaa ama sidoo kale dhaqaalaha kaa bixin jiray.waxaad ku biiri bulsho weynta jaamacadaha ka qalin jebiyey ee jaamiciiga loogu wada yeedho.waxaad ku farxi habeenadii badnaa ee aad soo jeeday,wax akhriskii faraha badnaa,imtixaanadii,wakhtigii mashquulka badnaa,naf huridii iwm.intaasi oo dhan maxaad u soo halgameysey ee aad kolba dugsi uga soo baxeysey sow maaha uun sidii aad jaamacada u gaadhi laheyd,haddaba haddii jaamacadii aad dhameysey maxaa ku qorsheysan?mise waxaad leedahay hadda ayuun baan cilmigii fahmay oo uu ii dhacay oo aan kow joogaa.
markaad quraanka dhameysey ama malcaamada dhigan jirtay waatii lagu odhan jiray bunka iyo saloolka samee,waa tii farxada aheyd,markii dugsiga hoose dhexe aad dhameysey waadigii ku faraxsanaa in aad dugsiga sare ku biirto,waadigii dharka madowga iyo cadaanka isugu jira in aad ku lebisato ku faraxsanaa,waa tii dugsigii sare aad dhammeysey, waa tii mararka qaar xaflad loo dhan yahay oo sagootin ah la idin soo qabtay,waa tii lagugu so dhaweeyey jaamacada,waadiga 4 sano ku jiray jaamacada. waadiga og waxa ku soo maray iyo heerkaad ka gaadhay tacliinta iyo aqoonta jaamacada ee keligaa is-wadka ah.waa taa maanta lagu sii sagootinaayo,waa adiga dharka madow xidhan,waadigaa koofiyada madaxa saartay,waadigaa gudoomaaya shahaadada,waata lagu wada daawanaayo,waata sacabka lagu qaraacaayo,waadiga sawirada galaaaya,waadiga waxkasta ilaaway.waadiga biladaha guranaaya.waxaad kala tageysaan macalimiintii iyo maamulkii jaamacada ee muddada badan gacanta kugu soo hayey ogow,waxaad ka dhaa dhaceysaa baskii inta badan aad u sii raaci jirtey isna ha ilaawin,fasax danbe soo noqon meysid,tartankii iyo barnaamijyadii jaamacada aad ku soo bandhigi jirteen ama aad la socon jirtay wuu ka dhammaday qaar kale ayaa ku badalaaya.hoolkii jaamacada,dhismihii jaamacada soo macasalamee.waa taariikh in aad aragto ardey badan oo dib uga hawl galay isla jaamacadii ay ka baxeen,waxaad kala tageysaan ardeydii qaarkood dib iskuma arkeysaan.ardeyda qaarkood waxa ay ka imanayaan wadamo kale oo ay jaamacada ku soo diyaariyeen,waxa ay ku soo guryo noqonayaan wadamadoodii.qaar badan oo ka mid ah asxaabtaadii jaamacada waxaad isku raaci doontaan xafiisaadka iyo caalamka shaqada.waa oohintii farxada maalintaasi oo kale."FINAL GOODBYE IS NOT AN EASY ONE"
NOTE
waxa soo dhow xafladihii jaamacadaha wadanka iyo qalin jebintii dufcadaha sanadkan
LA SOCO QEYB KALE ...................
Abdifataah Mohamed Ahmed
ceelaabe_10@hotmail.com
|