Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegayso.
Dhaqane:Waar kaalay maa saani isaga cadaysataan.Haddaanu idin nidhi laba wiig oo qudha doorashada dib noogu dhiga maxaa ku diiday?
Dhaashane:Waar anagu
maanu diidine komishanka qarankaa diiday.Horta dowlada iyo komishanka miyeydaan kala aqoon?
DHaqane: Dee mayee waanu kala naqaan , komishanku sow dowladuun maaha .Dowladuna sow komishankuun maaha.
DHaashane:Waar waxaa iska daayoo . hada doorashooyinkii waa ka hadheen sow maaha?
Dhaqane: Dee anaguun maahee Ururo badan baa iyana iskaga hadhayee ,idinku keligiin is doorta .
Dhaashane:Oo waa kuwee kuwaasi ?
DHaqane:Dee nasiyaa ku dhawaaqay, oo dalsan baa soo socda oo umadaa ku xigta. Waar adeer idinkiyo sub stationkiinu uun doorashadaa sheegaysaan iska gala.
Dhaashane: Oo sub stationkuna waa kee ?
DHaqane:Dee waa isla markaana ah.
Dhaashane:Waar inadeer intaa waxan oo dacaayad ah iska daysaan kaalaya doorasho xor oo xalaal ah galnee.
DHaqane: kkkkkkk xor ah oo xalaala kuye.Waar waxa la yidhi : beri baa sheikh masaajid tukinayey yidhi Istawuuu. Garbaha simma . Faraha is wada saara yaan shaydaanu idin soo dhex geline.Oday miskiina oo dadka tukanayey ku jiray baa yidhi :Oo shaydaanku haduu inala tukanayo maa la iska daayo. Imika xor iyo xalaali toona ma jirto , laakiin anigu waxaan taagnayba .kulmiye haduu doonayo inuu keligii doorasha gallo maa loo daayo.
Waa qalinkii :Baxnaan xaaji aden
Sweden.
haaheey@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga