Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Guddoomiyaha Hay?adda Shaqaalaha Oo Go?aamo Ka Soo Saaray Shaqaalaha Dawladda Ee Lagu Dhex Arko Dhaqdhaqaaqyada Siyaasada


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 16, 2012
Waxa kale, oo wareegtadan lagu socod-siiyey Wasaaradaha iyo Hay?addaha dawliga ah, kuwaasoo la faray inay Nuxur ahaan waxa wareegtada ku qoran ku war geliyaan Shaqalahooda

Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Hay?ada shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa maanta ku dhawaaqay inay shaqaalaha dawladda ay Mamnuuc ka tahay iny ka dhex muuqdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasada, waxaanu ku goodiyey in qofka arrintaas lagu arko uu lumin doono xuquuqdii shaqaale-nimo.

Guddoomiyaha Hay?adda Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa sidaas ku sheegay Wareegto uu maanta soo saaray, taasoo Shaqaalaha dawlada looga digay inay ka dhex muuqdaan tartanka Ururrada siyaasada, isla markaana waxa lagu sheegay wareegtadaas in hadii damacaasi gallo qof ka mida Shaqaalaha uu sida ugu dhakhsaha badan isku casilo, iyadoo uu wareejinayo wixii Hanti ah ee dawladda uga Masuulka ahaa.



face="Verdana, Arial, Helvetica, sans-serif">Waxa kale, oo wareegtadan lagu socod-siiyey Wasaaradaha iyo Hay?addaha dawliga ah, kuwaasoo la faray inay Nuxur ahaan waxa wareegtada ku qoran ku war geliyaan Shaqalahooda, iyadoo ay la socon-doonaan Guddi arrintaas loo Xil saaray fullinteeda, hase yeeshee waxa Wareegtadaas lagu sheegay in qofka muwaadinka ahi uu Xor u yahay Ururka uu codkiisa siinayo.

Maaha markii ugu horeysay ee Shaqaalaha dawladda iyo Hantida qaran-bba laga mamnuuco in loo isticmaalo dhaqdhaqaaqyada siyaasada, hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu todobaadkii hore Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aan Hantida qaranka oo ay ka mid yihiin Gaadiidka dawladda aan loo isticmaali Karin tartanka Ururrada Siyaasadda Somaliland.

A.A.Asporo

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Asporo23@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.