BURCO:Mid ka mid ah Murashaxiintii Urursiyaasadeedka RAYS oo Shaaciyey inu ka tanaasulay Murashaxnimadii isla markaasna ku wareejiyey Murashax ay isku Beel yihiin oo ka sharraxan xisbiga kulmiye.
Murashax Axmed saleebaan Xirsi Duuduu oo warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ku shaaciyey inuu ka tanaasulay murashaxnimadii Urursiyaasadeedka RAYS, ayaa Nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedkiisaasi soo Gaadhsiiyey xafiiska hadhwanaagnews ee Burco waxanu u dhignaa sidan
"Anigoo Ah Axmed saleebaan Xirsi Duuduu kana Mid ah musharixiintii Urur siyaasadeedka Rays Ee Magaalada Burco waxaan warsaxaafadeedkan Hoos Ku Qoran Ku Cadeenayaa Inaan
Ka Tanaasulay Xilkii Musharaxnimo Ee urursiyaasdeedka raysl isla Markaana aan Uga tanaasulay Musharax Mubaarig Yuusf Cilmi "Bidhi" Kaas Oo aan Ku Wareejiyaya Dhamaan xafiisyadii aan Kulahaa Degmooyinka Gobolka Togdheer Waxaanaan Ugu Baaqayaa dhamaan Taageerayaashayda In ay Codkooda Siyaan Musharax Mubaarig Yuusuf Cilmi "Bidhi" ana Aan garab Istaagi Doono Musharaxa Oo aan U arkay In ay Muhiim Tahay In aan ka Tanaasulay Kadib Markii aan Isla Gorfaynayay Odayaashayda isla markaana aan Ku Qancay In Mubaarig Hanan Karo xilkan Isla Markaana aan Uga tanaasulay...