diiday in aan Wareysi ka qaadno balse noo ogolaaday in aan si qoraal ahaan ah Shabakada hadhwanaagnews ugu baahino ayaa waxaa ay sheekado udhacday sida tan.
Ninka qisadan layaabka leh qabsatay ee Maxamed Cali ayaa sheegay in laba maalin uu soo jeeday xanuun dartii balse shalay galab uu cunay Kaniiniga hurdada isla markaana uu seexday xiliyadii maqribka hayee shee waxaa uu shegay in xalay sideedii (08:00) habeenimo uu suuli usoo kacay balse intii uu Suulida ku dhex jirayay ay hurdadii qabatay.
Maxamed Cali waxaa uu sheegay in saaka aroortii hore lagu arkay isagoo dhex jiifa Suulida dhexdeeda isla markaana qoyska Maxamed Cali ay fajiciso ku noqotay in wiilkoodii uu xalay dhan hurdayay Suulida.
Qisadaan ama sheekadaan layaabka badan ayaa ka dhacay xaafada Seybiyaano gaar ahaan guri ka soo horjeeda Xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews Ee Muqdisho waxaana dadkii xaafada ay ilaa iyo hada hadal hayaan qisadaan Maxamed Cali ku dhacday.
Waa markii ugu horeysay ee qof bini aadam ah laga soo toosiyaa xiliga hurdada Musqul ama Suuli dhexdeeda waana sheekadii ugu horeysay ee Dunida ka dhacdo inta la ogyahay.
Xasankuuriya
Hadhwanaagnews?office Muqdisho
kuuriya@hadhwanaag.org