Astaanka Gaadiidka Ciidanka.
Hoggaanka Sare ee Ciidanka Asluubta oo xilka qabtay Markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Xilka la wareegay waxa kale oo ay ku guulaysteen inay dhaqan celin suuban u sameeyaan Maxaabiista Jeelasha ku jirta iyagoo xabsiyada kala duwan ee dalka ka hirgeliyay olole balwadaha gaar ahaan qaadka iyo Sigaarka lagaga joojinayo Maxaabiista Xidhan kuwaas oo Caafimaad ahaan iyo Cibaado ahaanba u lahaa.
Fikraddahan waxa iska lahaa abuuridooda iyo fulintoodaba Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Gen. Xiirane iyo ku Xigeenkiisa Gen Xasan Cali Dheere.
Waxyaabaha kale ee ay taliska Asluubta ku soo kordhiyeena waxa kamid ah waxa Xabsiga dhexe ee degmadda Mandheera dib looga furay warshadda Farnijarka oo ay Maxaabiistu tabobar iyo xirfadba ku qaataan, isla markaana Maxbuusku inta kuu xidhan yahay ka korodhsanayo aqoon iyo xirfad uu ku shaqo tago marka uu xabsiga ka baxo.
Dhinaca kale waxa Taliska guud ee ciidamada Asluubtu wax ka badal ku sameeyaya dhismaha Xafiisyada kala duwan ee Talisku ka kooban yahay gaar ahaana kan guud ee ciidanka looga arrimiyo.
Arrimahaas iyo kuwo kale oo la taaban karo ayaa Muddadii labada sanno iyo bilaha ahayd ee ay xafiiska joogeen ku soo kordhiyeen Ciidanka taasoo la odhan karo waa hoggaankii ugu horreeyay ee muddo intaa le?eg ku tallaabsaday waxqabad intaas le?eg. Waxa kale oo xusid mudan in lagu ammaano Hirgelinta iyo abuurida Kooxda fanaaniinta ciidanka Asluubta ee Samo talis loo yaqaan oo Hoggaankani muddadii uu joogay sameeyay.
Weriye Ibraahin Cismaan Axmed
Hadhwanaagnews Office Hargeysa
Qaraash55@hotmail.com