Sheekh(HWN):-Sheekh-Urur siyaasadeedka waddani ayaa maanta degmada sheikh kusoo bandhigay 13 xubnood oo ah musharaxiintiisa uga qaybgalaya doorashada deegaanka ee degmada sheekh.
Muanaasibad si balaadhan looso agaasimay oo loo sameyey musharaxiinta laguna qabtey huteel Maansha Alla ayaa waxaa kasoo qaybgalay wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha urur siyaasadeedka wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi ?Cirro? ahna gudoomiayaha golaha wakiilada somaliland,xoghayaha ururka wadani eng.Axmed Cali Ubaxle,xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo cutub masuuliyiin kale oo urur siyaasadeedka waddani ah.
prefix = o ns = "urn:schemas-microsoft-com:office:office" />
Munaasibada oo ugu horeyn uu ka hadlay gudoomiyaha degmada sheikh ee ururka waddani Cali Ibraahin J amac ?Cali Gurey? kasoo sheegay in musharaxiinta ay kuso xusheen tayada dhinaca aqoonta iyo dhinaca codka,iyagoo ka fogaanaya iney liis aan qiime badan lahayn qaatan,madama musharax kasta laga doono inuu cudud dhinaca taageerada la yimaado,islama markaana uu cod u soo hayn karo xisbiga ama ururka,si loo gaadho hadafka iyo himilada uu leeyahay.
Khadiija Xussn Xaaji Xasan oo ka mida musharaxiinta ururka waddani ee u taagan doorashada golaha deeganka degmada sheikh,ah xubinta kaliya ee dhinaca haweenka kaga ka jirta ama guud ahaanba degmada sheikh ka sharaxan ayaa sheegtey in hadii ay ku gulaysato doorashada ay ku hamiyeyso iney mar labaad golaha dhexdiisa isu taagi doonto kursiga maayarnimada isla markaana ku talogalkeeda waxqabadka ee hormarinta ka bilaabi doonto garoon ciyaaraha iyo meel haweenka,gaar ahaan gabdhaha da?da yar lagu baro hidaha iyo dhaqanka.waxaana ay mar labaad xustey iney wax weyn ka qaban doonto adeegyada asaasiga ee sida caafimadka
,waxbarashada iyo biyaha oo ah nolosha kowaad ee Aadmaha.
Cabdiraxmaan Cartan Xaaji Abokor oo ah Ku-xigeenka Maayarka degmada kana mida musharaxiinta hada ee urur siyaasdeedka waddani ayaa isna hadal kooban oo uu ka jeediyey munaasibadas sheegay inuu tixgelinta maanta siinayo mudanayaasha cusub,aadna ugu faraxsan yahay inuu kala qaybgalo golaha cusub.sidoo kale waxaa iyana ka hadlay xubno kale oo ka mida musharaxiinta isla markaana tilmaamey qorshayaashooda ku waajahan dhinaca waxqabadka iyo himiladooda la xidhiidh mustaqbalka .
Xoghayaha guud ee ururka Axmed Cali Ubaxle oo halka ka hadlay ayaa sheegay in degmada sheikh ay tahay hooyadii waxbarashada isla markana ay aad ugu rajo weyn yihiin iney musharaxiintoodu guulaysan doonaan,ururkana ay kaalin mugle ka qaadan doonan.
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan in maanta uu munaasibada soo bandhigida misharaxiinta ay kusoo gunaadnadantay degmada sheikh oo ah meel si gaar ah ugu suntan dhinaca waxbarashada somaliland.waxaa kaloo uu sheegay in soo dhoweynta ay u sameyeen bahda ururka ee degmada sheikh ay aad iyo aad uga mahadcelinayan kuna faxsan yihiin,gudoomiyaha isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in ay ka filayaan in bulshada reer sheikh ay gacan buuxda ka heli doonaan iyaguna ay ka abaal gudi doonaan marka ay soo baxan,kuwaaso sida ahdaafta ururka ay dhigayso ku shaqeyn doono waddaniyad dhaba oo dhaxlsiisa bulshada horumar iyo guulo wax ku oola oo ah midhihii taageerada iyo codkooda ay sida hada inoo muuqata la garab taagan yihiin xisbigooda,iyagoo mar walba qayb ka ah talada iyo talaabo kasta oo ururkooda ama xisbigooda?waddani? oo dhinaca horumarka ah.
Gebe-geadii munaasibada isagoo soo xidhaya gudoomiyuhu waxaa uu kula dardarmay taageerashaya iney dadaalkoodu yahay ka ay kula soo baxayaan musharaxiintooda isla markaana ay iska ilaaliyan waxkasta oo amaanka iyo tacabkooda dhantaali kara.
Munaasibadan ayaa noqoneysa midi ugu culeyska wayneyd ee tan iyo intii ay bilaabmeen hawlagha ururada ku tartamaya siyaasada ee lagu qabto degmada sheikh.
Hadhwanaagnews.com
Contact@hadhwanaagnews.com