iyo dhiirigelin ku saabsan qiimaha wax ku oolka ah ee ay leedahay waxbarashadu iyo midnimada isku duubnida ardayddu ka soo jeediyay Guddoomiyaha Urrurka ardaydda Somaalida ee wax ka barata Jaamacadda caalamiga ah ee Beguma University BUGEMA SOMALI STUDENTS ASSOSIATION (BUSOMSA), Mudane GULED IBRAHIM ABDI, waxaanu yidhi
??Hadii aynu nahay ardaydda Somaaliyeed Waxaanu kuwada shaqeynaa jinsiyada Somalinimo ee ardayydu dowlad iyo mamul walba oo uu ka soo jeedo, sidaa daradeed ahdii aynu nahay ardaydda Somaliyeed waxaanan ka fogaanay faragalinta siyaasadaha Somalida si aanu u xaqiijino wadashaqeyn dhanka waxbarashada gudaha jaamacada ah, waxaan idinku dhiirigalinayaa in ay si dhab ah u xaqiijino oo ay iska kaashano ka midho
Mar uu ka hadlayay taariikhdi urrurku soo maray iyo wixi u qabsomay iyo qorshayaasha uu mustaqbalka hiigsanayo waxa uu yidhi ?? waxaa somali ahaan noo qabsomay waxyaabo badan oo ku saabsan horumarka ay ardaydda Soomaalida ah ee jaamacaddan dhigataa samaysay oo ay ku gaadheen isku duubni, waxa kale oo si weyn ugu mahadcelinayaa cheirman election of bBugema University Mudane C/RASHIID IBRAHIM YUSUF oo muujiyay kartidayada Somalinimo sidi u dhamystiray hawshi doorashadda madaxtinimada ee ard xubnaha wasirada ee nooga qayb gala ururka guud ee ardayda Bugema??.
.
Waxa kaloo kahadlay gudomiye ku xigenka BUSOMSA mudane C/RASHID AHMED MUSE isagoo hadalo dardaaran iyo soo dhaweyn isugu jira halkaa kasoo jeediyayoo uu kuso dhaweynayo ardayda cusub
.
Geesta kale, waxa madashan soo dhawaynta ah ka hadlay wasirka dhaqanka ee uruka guud ee ardayda jamacada Mudane MUXIYADIN A/LAHI OMER{DIINI} waxanu xusay xeerarka iyo sharciyada jamacada si uu ugu faaideeyo ardayda cusub
Dhanka kale xubno ku hadlay magaca aradaydii cusbeyd ee ku soo biirtay jamacada ayaa si fiican ugu riyaaqay soo dhaweynta gacmaha furan ee ay kala kulmeen BUSOMSA. waxa kaloo kahadlay marti sharaf kale oo jamacada ka socotay, waxaanay guud ahaan jawigii xafladan soo dhawayntu ay ku soo gabagabawday jawi farxad leh, waxaana Jaamaacaddan oo ka mid ah kuwa ugu caansan Jaamacadaha Afrika wax ka barta arday Soomaaliyeed oo aad u tiro badan.
KALA XIDHIIDH GUDDOOMIYEAHA BUGEMA SOMALI STUDENTS ASSOSIATION (BUSOMSA), Mudane GULED IBRAHIM ABDI, Emailkiisa oo ah guure_c@hotmail.com
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Soohaad10@hotmail.com
Hadhwanaagnews/Office
Kampala/Uganda.