Sana, (HWN/Agencies):- Mid ka mid ah wargeysyada Madaxa banaan ee ka soo baxda dalka Yemen, ayaa ku warantay in ciidamadii ugu horeeyay ee ka tirsan Marines-ka dalka Maraykanku ay ka dageen dekada Magaalada Xudayda oo ku taala galbeedka dalkaas, kana mid ah magaalooyinka ku teedsan xeebta bada cas ee dalkaas.
Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xukuumada dalkaas ayaa sheegay in cutubyadii ugu horeeyay ee ciidamo Maraykan ah oo wata ilaa laba boqol oo gaadiidka dagaalka ahi ay
maalintii jimcaha ka soo degeen dekada magaalada Xudayda, kuwaas oo sida ilaha xukuumiga ahi cadeeyeen ku yimi, ogolaansho ay ka heleen wasaaradaha gaashaandhiga iyo arrimaha gudaha ee dalkaas, kuwaas oo aqbalay codsi Maraykanku u soo mariyay wasaarada Arrimaha dibada ee dalkaas.
Masuuliyiin dalbaday in aan la magac dhabin oo ka tirsan xukuumada Yemen ayaa iyaguna dhinacooda ka cadeeyay, in wada tashi dheer ka dib uu madaxweynaha dalkaas Cabdi Rabu Mansuur Haadi uu qalinka ku duugay, ogolaanshaha xukuumada dalkaasi ku fasaxayso in ciidamada Maraykanku soo galaan dalka Yemen.
Dhinaca kale wasaarada gaashandhiga ee dalka Maraykanka ayaa goor sii horaysay oo todobaadkan ah, shaaca ka qaaday in ay dalka Yemen u direen ciidamo ilaalin doona oo sugi doona ammaanka safaaradooda dalkaas, ka dib markii sida Pentagon-ku sheegay khamiistii kooxo mudaharaadayaa isku gadaameen, khalkhalna galiyeen ammaanka safaaradooda dalka Yemen.
Ciidamada Maraykanka oo hawl galo ujeedooyin kala duwan leh ka waday dalkaas, waxa hore u sheegay wasiirka arrimaha dibada ee dalkaas, kaas oo xusay in ilaa bishii March ay joogeen cutubyo ka tirsan ciidamada Maraykanka kuwaas oo ka hawl galaya ilaalinta ammaanka safaarada Maraykanka iyo danahooda ay ku leeyihiin dalka Yemen, hasa yeeshee ciidamadan saanada milatari ee culus ku hubaysani waxa ay dalkaas gaadheen wixii ka danbeeyay khamiistii todobaadkan oo kooxo cadhaysani weerareen safaaradooda magaalada Sanca.
Ciidamadan ayaa waxa ka mid ah kuwo shiishaarada ah ee meelaha fog wax ka toogta kuwaas oo si gaar ah loogu tababaray, ilaalinta safaaradaha iyo masuuliyiinta Maraykanka, waxaana ciidamadaas lagu arkayay agagaarka hudheelka Sharaton ee magaalada Sanca halkaas oo ay ku sugan yihiin inta badan dublamaasiyiinta reer galbeedka gaar ahaana kuwa Maraykanku.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com