Hargeysa(HWN):-Agaasimaha Komiishanka AIDS-ka qaranka Somaliland ee SOLNAC Md.Maxamed Daahir Khayre ayaa maanta si rasmi ah ugu furey tababar 25-xubnood Huteelka Safari ee Magaalada Hargeysa.
Tababar oo mudada shanta cisho ah ee uu socdo lagu baran doono sidii ay hawlwadeenada Caafimaadka ee Farmasiiyada iyo MCH-yadu fahmi lahaayeen halista cudurka dilaaga ah ee HIV/IADS-ka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya taranka aadamaha.
cellSpacing=0 cellPadding=0 width=100 align=center>
 |
|
Agaasimaha Komiishanka AIDS-ka qaranka Somaliland Md. Maxamed Daahir Khayre oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay hawlwadeenada Caafimaadka ka hawlgala ee magaalooyinka Berbera, Gabiley iyo Awdal , isaga oo ku tilmaamay inuu tababarkani gun-dhig u noqonayo sidii la isaga ilaalin lahaa xanuunka HIV/IADS-ka ee lagu kala qaado galmada.?Waxa uu tababarkani ku saabsan yahay waa caafimaadka fayada taranka ee raga iyo haweenka-ba ka dhaxeeya iyo weliba xidhiidhka ka dhaxeeya cudurka HIV/IADS-ka, waxaanan isugu yeedhnay shaqaalihii Caafimaadka ee ka shaqeynayey goobaha xuduudaha oo ay Urur-Goboleedka IGAD nagala shaqeyso, kuwaas oo kala ah shaqaalaha ka shaqeeya farmasiiyada, MCH-yada, oo lagu tababarayo sidii ay u fahmi lahaayeen cudurka HIV/IADS-ka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya taranka?. Ayuu yidhi
Agaasimuhu waxa uu sheegay inuu tababarkani soconayo muddo 5-cisho ah,isla markaana ay ka qeybgeli doonaan 25-xubnood isaga kala yimid gobolada Awdal, Gabiley iyo Berbera.waxaana maalgelisay tababarkan Urur-Goboleedka IGAD, isla markaana waxa la siin doona ka qeybgalayaasha tababarkan shahaado. ?Waxaanan ugu talogalnay inay goobahoodi ku noqdaan oo macluumaadka ay muddada baranayeen ay shaqada ku qabtaan?.
Agaasimaha oo ka hadlayey waxa bilihii ugu danbeeyey sababay inuu hoos u dhac ku yimaado wacyigelintii dadka lagaga baraarujin jirey halista cudurka dilaaga ah ee HIV/IADS, ayaa waxa uu ku jawaabay ?Waa runta oo inta sanadkan wacyigelintu aad umey shaqeynayn wax kale maaha waa dhaqaale burburka ku yimid dunidda oo ururada fuliya hawlaha samofalka lacagihii la siin jirey si ay hawlaha u fuliyaan ayaa dib-u-dhacay, laakin bishan September 2012 aakhirkeeda ayaanu fileynaa in la soo daayo oo ay hawshu bilaabanto?.
Madaxa hay?adaha caafimaadka ee Urur-Goboleedka IGAD Dr. Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay faa?iidada tababarkan iyo sida urur-Goboleedka IGAD uga qeybqaato xakameynta cudurka halista ee HIV/IADS-ka oo adduunka faro-baas ku haya, gaar ahaan waddamada Geeska Afrika ku yaala.
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com