|
|
Prof. Cabdirisaaq Cisman Xasan (Jurile) oo ah Masuulka ugu Haboon inuu Noqdo Raiisal Wasaaraha Soomaaliya (Hadhwanaagnews) Sunday, September 16, 2012 Marka hore waxaan salaamaya dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dawlada cusubi u dhalatay, waxaanan hanbaliyo diiran u
Marka hore waxaan salaamaya dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dawlada cusubi u dhalatay, waxaanan hanbaliyo diiran u dirayaa madaxweynaha cusub ee Somaliya mudane/Xasan Sh. Moxamud, waxaanan Illahay kaga baryayaa in aad noqotid madaxweynihii u horseeda ummada Somaaliyed nabad iyo horumar.
Inta hadii aan ka gudbo. Waxaa aynu ognahay in xildhibaanadii la soo doortay si sharaf leh ay madaxweyne cusub soo doorteen, mudane/madaxweyne Hassan Sheekh Mohamoud uu isaguna soo magacaabi doono maalmaha fooda inagu soo haya Raysalwasaare cusub
oo xukuumad tayo wanaagsan iyo Golihii Wasiirada soo dhisi doona hadii Alle idmo . Waxaa kale oo aynu ka war qabnaa in tartan badan iyo loolan adag loogu jiro jagada Raysalwasaaraha gaar ahaan beelaha Daarood. Hadaba, waa kuma ninka ku soo bixi doona Jadan. Hadii aan tilmaan kooban ka bixiyo xubnaha ugu cadcad ee la hadal hayaa waxaa ka mid ah Prof. Cabdirisaaq Cisman Xasan (Jurile). 1. Waxa u ka soo jeeda degaanka Puntland oo miisaan weyn ku leh siyaasada Somaliya iyo Roadmapka loo dajiyey dalka. 2. Waa nin Siyaasi ruug cad ah, xogogaal u ah arrimaha Somaliya 22 sano ee u dambeeyey kuna soo dhex jiray siyaasada iyo maamuladii kala dambeeyey. 3.Waa nin khabiir ku ah hanaanka dawladnimo iyo waayoaraagnimadeeda. 4. Waa nin u dhuul dalool kala qoqobnaanta koonfurta, waxna ka bedeli kara. 5. Waa nin la soo shaqeeyey Hay´adaha Caalamiga ah ee ka hawl gala dalka; si wayna looga yaqaan, lana qadariyo oo wax ceeb ah ama turxaan ah aan ku lahayn.
6. Waa nin iman wanaagsan leh, cibaado badan, daacad u ah dalka iyo dadkaba, hanti ku filan haysta oon marnaba hungurayn xoolaha ummada.
7. Waa nin jawi nabadeed iyo isu soo jeed ka dhex abuuri kara beelaha somaliyeed dhamaantood.
8. Waa nin dhexdhexaadin kara beelaha khilaafku ka dhex taagan yahay ee Dhulbahante iyo Majiirteen, Ogaadin iyo Mareexaan iyo beelaha kale ee somaaliyeed. 9. Waxaa aynu ognahay in u dib uga noqday tartankii gudoomiyaha baarlamaanka. isaga oo qadariyey codsigii kaga yimid beeshiisa. 10. Waxaa hubaal ah in maanta beesha u ka soo jeeda wax xujo ah marnaba aan lagu xidhayn oo ay ku garab taaganyihiin. 11. Waa nin sii wadi kara wada hadaladii bilowday ee Somaliland iyo Xukumada cusub oo marnaba wax shaki ah laga qabin oo saaxiibo badan iyo xigtaba la leh shacabka reer Somaliland. Proff:Jurrille Waa Xildhibaan Dowlada Federaalka Soomaaliya Kasoo Galay Deegaanad Puntland Waana Siyaasi Magac Weyn Kuleh Dhulka uu Kasoo Jeedo ee Degaanada Puntland iyo Guud Ahaan Soomaaliyaba.
TAARIIKH NOLOLEEDKA Dr.CABDIRISAAQ CUSMAAN XASSAN(JURILE).
Waxbarasho
Proff:Jurille Wuxuu ku dhashay magaalada Bossaso 31.12.1949. Sanadkii,1956dii ,waxbarashada dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay Dugsiga Hoose Dhexe ee Xaaji Mire oo ku yaal Magaalada Bossaaso ,oo ay dhigayeen macalimiin Masaari ah.Wuxuu ku sameeyey lix sano oo waxbarashada hoose ah iyo saddex sano waxbarashada dugsiga dhexe ah mudadii u dhexeysey 1965-1965.Waxbarashadii Dugsiga Sare Wuxuu ku qaatay Dugsigii la oran jirey ?Allah? waagii damena loo bixiyey Jamaal Cabdinaasir(1965-1969) .Markuu dhameeyey waxbarashada dugsiga sare ka dib,wuxuu ku guuleysey tartan deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa ah,28kii bishii agoosto 1969kii wuxuu waxbarasha jamacadeed u aadey dalka Hungary(Magyarorsag).Sanadkii waxbarasho ee 1969-1970,wuxuu wax ku bartay Machad sare ee ardada ajnebiga afka dalkaas lagu baro jaamacaddana loogu diyaariyo. Bishii settember ,1970 wuxuu galay Jamacadda Injineeriya ee Budapest,kulliyadda ?Chemical Engineering? ee Dalka Hungary,halkaas oo uu shahaadadii kowaad ee Jaamacadda ka qaatay saddex sano oo waxbarasho ka dib( Bachlor?s degree of Chemical Engineering, 1970-1973). Waxbarashada sare ee uu sameeyey waa sida soo socota: ? 1973-1975 Masters degree in Chemical Engineering ? 1975-1977 PHD in Chemical Engineering and Pharmaceutical Technology. Aagagga aan Cilmi Baarista ka sameeyey(Areas of Research) (i)Curin walxo daawo noqon kara oo laga dhaliyo kimiko la isku dardari(Organic Synthesis of Biologically active compounds).In ka badan 150 walxood oo cusub oo daawo noqon kara ayuu curiyey,waxaanna Lagu daabacay Jornaal wax yaabaha cusub ee lagu daabaco walxo cusub ee ku cilmiga kimikada oo la yiraahdo American Chemical Society(Chemical Abstract). (ii) Baaritaan dhirta Soomaaliya ka baxda ee daawo ahaan loo isticmaalo,iyo nooca kimika ahaan ku jira oo daweynta masuulka ka ahaa(eeg Jornaalka ?the nature? adigoo magaca qoraha eegaya) (iii) Diiwaan gelinta dhirta daawada loo isticmaalo ee ka baxda Soomaaliya, (iv) Baaris dhamaystiran oo la xiriirta faleenka(Beeyo iyo Maydi),iyadoo laga soo saaray nooca walxaha loo yaqaan Terpenoids,Organic Acids,Polysacharides iyo qaar kale ee fara badan.Walxahaas oo dhammaantood qiimo ganacsi ku leh suuqyada adduunka,waxaa soo saarta wershed ku taal magaaladda Nairobi ee dalka Kenya . Baaritaanadaas wuxuu ku sameeyey Jaamacadaha kala ah: Chinoin Pharmaceutical Research Laboratories, Budapest Hungary,Uppsala-Sweden,Padova,Rome,Palermo Italy,iyo Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed Kulliyadda Kimikada wershedaha(Faculta Chimica Industriale ,Universita Nazionale Somala). Macalinimo iyo waxbarid. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,Kulliyadda Kimikada Wershedaha(Somali National University, Faculty of Industrial Chemistry ,1977-1990). Kulliyaddaas wuxuu ka noqday Hormuud mudadii u dheexeysay(1978-1984) iyo Madaxa waaxda Organic Chemistry and Technology.waxaan kalo booqasho(Visiting Professor) wax barid ah ku tegey Jaamacada kale ee dalal kale ee dibada ah ku yaal. Xubinimo 1.Xubin ka mid ah asaasayaasha qaybta baarista iyo erybixinta cilmiga kiimikada,hayadda Akadeemiyada Qaranka ee Cilmiga,Fanka iyo Suugaanta,(1970-1990), 2.Xubin ka mid guddiga Erey bixinta cilmiga ah ee Af Soomaaliga,ee Akadeemiyada Qaranka ee Cilmiga,Fanka iyo Suugaanta. 3.Xubin ka mid asaasayaasha ,iyo Gudoomiye Guddiga Maamulka(1994-2008) ee Xarunta baarista horumarinta Puntland(PDRC) ee saldhigeedu yahay Garoowe. 4. Xubin Baarlamaan: ? 1984-1990 ? 2004-2012 ? 2012- 5.Xubin Golaha Wasiirrada : ? Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga(1989-1990), ? Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah(2004-2007), ? Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta(2009-2010) Maamulidda iyo Hirgelinta Mashaariic horumarineed ee Qaran. Gudoomiyaha Hayadda qaranka(ENFAIS) ee u xilsaaran hirgelinta mashaariic gaar ah ee ay maalgelineyso Dawladda Taliyaaniga(National Agency for Italian special aid program for emergency) 1984-1988.Mashaariicda hayaddaasi hirgelisey waxaa ka mid ahaa: ? Dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira Garoowe-Bossaaso oo dhan 452km. ? Dhismaha Dekedda Bossaaso ? Dib u dhiska iyo ballaarinta Cusbitaalka Bossaaso ? Dib u dhiska iyo ballaarinta Cusbitaalka Garoowe ? Dib u dhiska iyo ballaarinta Cusbitaalka Caluula, ? Qodista 100 ceel ee laga qoday gobollada Bari,Sanaag,Sool,iyo Nugaal. ? Dayactirka iyo dib u hagaajinta Wershedda Sonkorta ee Jowhar, ? Mashruuca cusbo bixinta Beeraha qasabka sonkorta Jowhar iyo mashruuc lo? caano teelka ah, ? Dhismaha Gawaanka xoolaha ee Muqdisho, ? Dhismaha Wershadda waxyaabaha ka soo hara hilibka iyo hargaha ee soo saarta cuntada digaaga iyo saabuunta dhagaxa ah, ? Dhismaha Wershedda Hargaha, ? Dhamaystirka dhismaha iyo kicinta wershedda Daawooyinka samaysa ee Muqdisho ? Dhisma mashruuca isku dhafka beeraha iyo xoolo naaxinta lambar 50 ee GIizoma, ? Dib u dhiska jidka Afgoi-Golweyn 183 km ee laamiga ah, ? Dhismaha Xarunta habaynta Kalluunka ee Baraawe ? Cusboonaysiinta qalabka wax soo saarka wershedda khayraadka badda ee Kismaayo(SMP) ? Dhismaha Shirkadda kalluumaysiga Shifco ee maamusha lixda markab ee dawladda talyaanigu ku deeqday, ? Shan diyaaradood ee ah kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwo yar yar,oo Soomaali airlines la siiyey, ? 120 baabuurta PG iyo booyadoisgu jira oo la siiyey wasaaradda gaadiidka si ay gacan uga geysato qaybinta kaalmada dadka tabaalaysan iyo bara kacayaasha. ? Qalab iyo gaadiid loogu deeqay wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta si wadooyinka loogu dayactiro kuwo cusubna loogu dhiso. Maaraynta shirkado Gaar loo lee yahay. 1.Maareeyaha Guud ee shirkadda Africon sales Ltd,Nairobi Kenya, 1991-2002, 2.Maareeyaha guud shirkadda Mareero pharmaceutical Ltd,Nairobi Kenya,1996-2001, 3.Gudoomiyah shirkadda Lubanchem Ltd,Nairobi Kenya,2001-2004. Maamulidda Hayado kale Gudoomiyaha guddiga Qoraalka wargeyska Ogaal.1985-1989.
Waad mahadsantihiin.
Cali Ismaaciil (Somali)
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
|