Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gardaadintii Buuga Baadi-Sooc Iyo Wacdarihii Madasha Iyo Dhalinta Berbera


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 16, 2012
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay buuga BAADI-SOOC ee lagu soo ururiyey suugaanta

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay  buuga BAADI-SOOC ee lagu soo ururiyey suugaanta Abwaan Axmed Aw Geedi, ayaa xalay lagu qabtay hoolka jaamacada culuunta badda ee magaalada Berbera munaasibadan ay si wada jira u soo qabanqaabiyeen naadiga akhristayaasha ee Berbera Readers Club iyo shirkada isgaadhsiinta ee Telesom.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgalay g/xigeenka gobolka saaxil,mayir xigeenka xildhibaano,aqoonyahano ganacsato,dhalinyaro maaulka shirkada telesom iyo martisharaf aad u badan waxaana bandhiga buugan isku soo duba riday qoraaga weyn ee C/Raxmaan Guribarwaaqo iyo Abwaan Axmed Aw Geedi oo labadooduba si

darandoori ah u ugu soo bandhgay dadweynaha nuxurka uu xambaarsanyahay buugani.

Ugu horayna munaasibadaas waxa ka hadlay gudoomiyaha naadiga Berbera Readers Club Maxamuud Maxamed Jaamac, wuxuuna ka warbixiyey ujeedada kulankan loo qabtay iyo taariikhda naadiga BRC oo uu sheegay inuu yahay naadi u taagan dhiirigalinta iyo horumarinta qoraalka iyo akhriska wuxuuna u mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay barnaamijkan gaar ahaan shirkada TELESOM.

Waxkale oo isaguna madashaa hadalo mahad naq iyo dhiirigalina ka soo jeediyey maamulaha shirkada telesom qaybta berbera sh.mustafe cali cumar  waxa kale oo intaa ku daray shirkada telesom inay u taagantahay horumarka bulshada dhinac kasta islamarkaan ay ka qaybqaato barnaamijyada noocan oo kale ah.

Waxa kale oo madashan iyaguna ka hadlay masuuliyiintii ka soo qayb gashay munaasibadan oo ay ka mid ahayeen cabdi jaamac faduul g/xigeenka degmada berbera iyo kusimaha gudoomiyaha gobolka khaddar cali cilmi waxayna dhamantood isku raceen ka dawlad ahaan inay dhiirigalinayaan wax akhiska iyo qoraalaka waxayna si wey ugu mahad naqeen abwaan axmed aw geedi iyo ku tilmaameen shaqsi inta badan isku hawla arimaha dhaqanka

 

Gebagebadii barnaamijka wuxuu abwaan axmed aw geedi ku soo afmeeray maanso uu dhawaan curiyey oo la yidhaahdo kordahab oo ah maanso muran badan macneehedu bulshada ka dhex abuuray dadkuna ay is weydiinayaan macnaha dhabta ah ee uu uga jeedo abwaanku

 

Geedkii dakanada badnaa
Wuxuu dibirootiyaba
Anuu I dankaadiyee
Ma dooxaa sheeko dedan
Dadkaba gabadhaan Jeclaa
Maxay igu diidantahay?
Malaha waa laygu diray
illeyn dumar kaama naxo
Haddaad u dan sheegatana
IIley way kugu digtaan
Duqeydiyo Guurtidaay
Miyaan Ergo Loo Direyn
Doodiyo Ajandaha Ku Dara

Dhanbaalkaan diinka faray
Dawaadaan idhi ugee
Miyuu daayacay tolow?
Misee wuu daalayoo
Dhir iyo damal buu hadhgalay?
Mise daacuun dilkii
Ris iyo deegaan baxdiyo
Carmuu weli daaqayaa?

Illey talo waa dermiyo
Deebaan lagu noolyahee
Cabaar an duqlaaliyee
Haddaan dahab idil utumo
Duunyiyo maal badan ku qubo
Ma way soo daqaqanteen?
Haddaan duqii dhalay Ho?lado
Waayaha diirka uga qaado
Ma wuu igu soo dareen?
Haddaan culimada digrida
Wan weyn iyo dibi u qalo
Haddaan duco soo guntado
Ma wey ii soo dabcayn?

Ergadi way daashayoo
Dacfaal kama soo socdee
Haddaan is damdama u tago
Haddaan beer laxawsi dedan
Sidii boodheri duraanto
Haddaan maahmaah da?weyn
Haddaan sheekada ku daro
Haddaan maaxdii u dego
Haddaan durdurada cishqiga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.