Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu.
Somalidu waxay tidhaa si xun wax u sheeg sixir ka daran.
ninbaa wuxuu soo qoray qoraal uu u bixiye
Shirkii ugu sharka badanaa abid oo lagu shaaciye qaadacaada waajibka diiniga ah ee Xajka
anigu waxaan qabaa in ninkaasi isagu dambi weyn galay,oo ka been sheegaayo hadalada shirkaa laga yidhi.
shirka waxaa laga yidhi xajka ku tegimaayo Baasa boorka Somalia ,ee marna lama odhan Xajka yaa la tegin.
waxaan ka fahmay maqaalkaaga in aad tahay nin u ololaynaya qaadashada Baasaboorka Somaliya.
wadankaa Somaliya oo aad ogtahay halka aynu kala taaganahay oo inta ay inoo diidayaan Xornimada aynu xaq u leenahay
Cadowgeena ah,marka wixii hore laga tago waa kuwaa sanado badan Sucuudiga ku lahaa adhiga ha ka
iibsan. markaa haduu muraadkaagu kaa galo cadowga ,maaha in aad wax u doonato.
xajaka Ilaahay wuxuu yidhi MAN ISTADAACA ILAYHI SABIILA.
Diinteena Suubana waa diin raxmad badan oo wasadiya ah oo aan ogolayn in ruux muslin ah lagu gaaleeyo waxaanu odhan , waxa kale oo Eebe yidhi LAA YUKALIFULAAHU NAFSAN ILAA WUSCAHAA.
waxaa jira dad hadii la yidhaa baasaaboorka Somaliland ayaa Xajka lagu tagaya aan soo doonaynayn hadii naftu ka baxayso,ma odhan karo dadkaasi waa gaalo ama shar wadayaal Ilaahay ayaa inaga og waxay yihiin.
la waran hadaan ku idhaa waxaa ka masuul ah dawlada Sucuudiga ayaa ka masuul ah haday reer Somaliland Xajka tegi waayaan,ka waran hadaan ku idhaa Baasaboorka Xajka lagu tagaya waa bidco oo beriga Rasuulka NNKH qofka muslinka ihi wuu iska tagi jiray bilaa baasaboor.
Sucuudigu isaga ayaa waliyul amar ah isaga laga raba in uu ogolaado in aye soo xajaan.
Ilaahay xor buu naga dhigay iska keliya ayaan adoon u ahay ma ogoli in la igu dulaysto baasaboor uu haysto nin xajka Ilaahy siyaasad geliyo. Nebigeenu wuxuu yidhi INAMA ACMAALU BI NIYAAT,
Markaa adeer halkan Somaliland ayaa la yidhaa orod oo qabo halka Amiirkaagu ama madaxweynahaagu joogo.
Cabdi Guul
hayaan70@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga