Ururka dimuqraadiga ummada bahawday oo ahaa ururkii ugu horeeyay ee loo aasaaso in uu u tartamo doorashooyinka golaha deegaanka ,aakhirkiina kasoo dhexbaxay lix urur oo u tartamay golaha deegaanka , waxaanu ahaa mudo dheer xisbiga talada haya.
Maal mahan waxa aynu maqlaynaa calaacal joogto ah oo masuuliyiin kala jaada kasoo yeedhaya, kaasi o salka ku haya in ay ka caalaacalayaan xisbigii udub oo gabi?ahaanba saaxada ka baxay, oo aan habayaraatee dib loo arki doonin , isaga oo markaasi buuxin waayay shuruudihii looga baahnaa tartamayaasha .
Maahmaah
soomaaliya ayaa odhan jirtay anoo ooyaya ayay waylina igu sii joogsatay, xisbiga udub jabkiisa iyo kala daadsanaantiisa waxa uu u sibir saaray, weedh bilaa jaha ahayd oo ka soo yeedhay gudidii qiimaynta ururada oo shaqadoodu ku ee kayd kala shaandhayntii ururada.
Haddaba su?aasha dadka maankooda ka dhex guuxaysa ee ay iswaydiinayaan waxa ay tahay hadma ama goorma ayaa udub la sadqeeyay, 2009 kii shirweynohoodii u danbeeyay waxa lagu go?aamiyay in udub saddex nin laga soo reebo, arintaa waxa talo ku soo jeediyay guddoomiyihii xisbiga udub ahaana musharaxa madexweynaha muddane Daahir Rayaale Kaahi, taladaa guracan ee aan laga baaraan dagin shirwaynihii goobtaasi waa gudoon sadeen, taladiina waxa ay kusoo ururtay in Mudane Rayaale uu soo dhiso Xubanaha golaha dhexe ee Xisbiga sidiina doorashadii ayay ku galeen.
Taladaa gudhan xisbigii udub waxa ay gayay siisay in uu ku dhoco lama dagaan cidla ah, waxaanu noqday tusbax afkii laga furay, waxaanay si af-waajan af-waajan ah u galeen xisbigii mucaaradka ahaa ee kulmiye,xisbigii talada hayay gobtaasi ayaa lagu gawracay waxana birta ka aslay madaxweyihii markaa talada hayay Mudane Daahir Rayaale Kaahin markii caqligiisa uu ka helay in ay doorashada galaan iyaga oo aan gole dhexe lahayn, ku dadka la hadlayaana ay yihiin tiimkii ay dadka is eedeen.
Si kastaba ha ahaatee tawaaawuca ka soo yeedhaya qaarka mid ah xubnihii macal qabtay gawricii udub waa mid aan wax ka soo qaadlahayn jawaab tooduna waxa ay noqonaysaa Habar baa iska hawhawle ee sheekada inoowada.
Gun iyo gunaanad dadweynaha Somaliland xiiso badan umma hayaan calaacal aan loo midaan dayin, in u tartanta oo ku filan waa haystaan, haddaad isa soo saxdaan doorashada tan ka dan baysa, la idiin ka fadhiyee.
rashiid maxamuud cabdi
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga