Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa difaacay sharci-nimada labada xil ee isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu sheegay in sharcigu ogol yahay labada xil ee isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland,isaga oo tilmaamay inaan sharcigu u diidayn inuu labaas xil isku hayo.
10pt" class=MsoNormal>Ugu horayn gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed oo ka hadlaya xilalka uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu yidhi ? marka la leeyahay gudoomiyaha golaha wakiiladu iskuma hayn karo labada xil ee uu hayo, waa inuu jiraa xeerar la cuskanayo oo wadanka u yaala,?
Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi ?distoorka dalka u yaala iyo xeerarka wadanku waxay sheegayaan in agaasime guud ilaa inta ka hoosaysa iyo ciidamada qaranku aanay xubin firfircoon ka noqon Karin urur siyaasadeed,balse waxay xaq u leeyihiin inay codeeyaan,madaxweynuhuna waa kii soo saaray wareegto uu ku akadiyo inaanay ka qayb galin ololayaasha siyaasada.?
Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa si toosa uga hadlay labada xil ee uu isku hayo Cabdiraxmaan Cirro ? gudoomiyaha ururka Waddani waa nin siyaasiya,kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada ee uu ku fadhiyaana waa mid loo dhan yahay oo ay u doorteen mudanayasha golaha wakiiladu,hadii la yidhaa ha laga qaado waa wax meesha iman kara laakiin waxa lagaga qaadi karaa sifo sharci ah oo distoorku inoo ogolaanayo, sharciga wadanku waxa uu ina farayaa hadii xubin ka mida shirgudoonka golaha wakiilada laga qaadayo xilka waa inay isku raacaan sadex meeloodow laba mudanayaasha golaha wakiilada,balse sabab kale oo xilka looga qaado gudoomiyaha golaha wakiilada meesha ma taalo.?
Hadalka gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa ku soo beegmaya wakhti ay ururada siyaasada Somaliland si weyn uga soo hor jeedaan labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada, iyaga oo komishanka doorashooyinkana ka codsaday inay go,aan ka soo saaraan waxa laga yeelayo labada xi lee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada.
Sidoo kale ururada siyaasada Somaliland ayaa maalinta bari ah u balansan inay go,aan ka soo saaraan waxa ay ka yeelayaan labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiiladu.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com