Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Oo Go,aamo Ka Soo Saaray Musharaxiinta Reer Axmed Cabdale Uga Tartamaysa Caasimada Hargeysa.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 19, 2012
Hargeysa(HWN):-suldaanka guud ee beesha subeer awal iyo cuqaasha beeshaas ayaa go,aamo midaysanka soo saaray musharaxiinta beesha Axmed Cabdale uga sharaxan caasimada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-suldaanka guud ee beesha subeer awal iyo cuqaasha beeshaas ayaa go,aamo midaysanka soo saaray musharaxiinta beesha Axmed Cabdale uga sharaxan caasimada Hargeysa.

Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi
War murtiyeed uu ku saxeexan yahay suldaanka guud ee beesha subeer awal oo nuqul ka midi soo gaadhay shabakada wararka caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Ujeedo: go,aan musharaxiinta beesha Axmed Cabdale ee

Doorashada golaha deegaanka caasimada Hargeysa.

Shir balaadhan oo ay yeelatay beesha reer Axmed Cabdale 6th 2012 oo ay ka qayb galeen suldaanka guud ee beelaha subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan  Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye iyo suldaanka beelaha galbeedka iyo dhamaan cuqaasha beesha  waxay go,aan midaysan oo ku saabsan musharaxa beesha Axmed Cabdale uga qayb galaya doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa,goobta shirka  waxa iskugu yimid labada musharax ee kala ah.

1.      Muj: Axmed Daahir Axmed

2.      Mukhtaar Aw Maxamuud Cabdilaahi.

Si look ala reebo labadan musharax ayaa waxa laga qaaday kalsooni dhaar ah oo lagu dhaariyey kitaabka quraanka kariimka ah kuna cadeeyeen inay ku qancayaan una hogaan samayaan go,aanka laga soo saaro musharaxnimadooda.

Madax dhaqameedka oo uu gudoominayo suldaanka guud ee beesha subeer awal ay soo saareen.

1.      Muj :Axmed Daahir Axmed oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye uu yahay  musharaxa kaliya ee ay beeshu  isku raacday isla markaana waxa la reebay Mukhtaar Aw Maxamuud Cabdilaahi.

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan dadweynaha beesha reer Axmed Cabdale inay u codeeyaan  si midaysan musharaxa laysla qaatay .

 

Wa Bilaahi Taw Fiiq.

 

Magacyada Madax dhaqameedka go,aanka soo saaray:

1.      Jiif Caaqil Cali Cige Jaamac

2.      Jiif Caaqil Maxamed Cumar Cigaal

3.      Caaqil Aadan Cabdilaahi Cali

4.      Caaqil Maxamuud Cali Raan

5.      Caaqil Ismaaciil Cabdilaahi Muuse

6.      Caaqil Maxamed Muuse Kaahin

7.      Caaqil Farxaan Maxamuud Gaaxnuug

8.      Caaqil Haybe Wayrax Xasan

9.      Caaqil Maxamed Cabdi Askar

10. Caaqil Maxamed Maxamuud Aadan

11. Caaqil Axmed Cabdi Kaahin

12. Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland.

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.