mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee degmada Burco, Xubno ka mid ah Murashaxiinta Golaha deegaanka ee xisbiga Kulmiye, Guddomiyaha Xisbiga kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal Adan, Xubno ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee heer Gobol iyo heer qaran ba, Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdo Aayir, Badhasabkii hore ee Togdheer Yasin Muxumed Cabdi, Salaadiin , Cuqaal, Aqoonyahan , Qurbajoog, Haween iyo dhalinyaro tiro badan.
Ugu horeyn Waxa munasibadda aayado quraan ah ku furay C/raxman Axmed Cabdi oo ah wiil u dhalay Musharax Axmed Cabdi fly, waxaana intaas kadib kelmado soo dhoweyn ah madasha ka jeediyey Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal Adan, Waxaanu uga mahadnaqay Taageerayaasha Xisbiga iyo Dadweynaha kale ee madasha maanta soo camiray ka soo qaybgalka munasibadda uu maayir xigeenku ku shaacinayey murashaxnimadii, waxa uu sheegay in Axmed Cabdi fly yahay shakhsi aan imminka la baranayn isla markaasna muddadii uu xilka hayey so qabtay hawlo badan oo dhinaca horumarinta degmada ah, wuxu kaloo ka sheekeeyey waddooyin uu hirgeliyey maayarxigenku, iyo waxqabad tiro badan oo intooda badani ku qotomay ballanqaadyadii xisbiga kulmiye ayuu yidhi, wallow aanu isagu maayarkii magaalada ahayn haddana intii itaalkiisa ahayd inu qabtay ayuu si weyn uga warramay.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhiban jaamac xaji axmed, xaji yusuf xasan xayd, Ismahaan Jaamac Maxamud, oo dhammantood ka mid ah Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa sheegay in Musharax axmed Cabdi fly yahay halyey waxqabad , karti iyo dadaal isku darsaday isla markaasna maanta u baahan in la taageero oo dib loo doorto.
Xogayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Burco Cali Cabdi Jabane oo isaguna munasibadani ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyey Sxbkii Murashax Axmed Cabdi fly, isagoo dhinaca kalena dacaayado raqiis ah ku tilmaamay warar suuqa la geliyey maalmihii u danbeeyey oo aanu xoghayuhu si cad u sheegin, wuxu ku celceliyey inu xisbiga kulmiye hore u ahaa, imminkana yahay ahaanna doono haddii xilka laga qaado iyo hadii uu sii hayo ba.
Suldaan Maxemd Cali Jaamac, Suldaan C.raxman Qodax , Guddomiyaha Degmada Dhoqoshay iyo Maxmed Cismaan faarax, oo iyaguna ka mid ah Salaadiinta iyo Odayaasha beesha murashax axmed cabdi fly ayaa si gaar u sheegay in Musharaxani yahay Masuul miisaan ku leh bulshada reer Burco, isla markaasna mudan yahay in dib loo doorto. Waxay dhinaca kale sheegeen odayaashani in dhowaan ay warbaahinta ka maqleen niman sheeganaya ballidhiig oo u digorogatay xisbiga UCID, waxaanay sheegeen in qofku iska sharixi karo xisbiga uu doono, balse aanay ka turjumaynin in beeshu u diga rogatay xisbi kale oo xisbiga kulmiy ka guurtay.
Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Sahra Maxmed Xuseen Basbaaso oo ka mid ah Murashaxiinta golaha deeganka ee xisbiga kulmiye ee wakhtigan, waxayna sheegtay in murashax axmed cabdi fly yahay murashax ruug caddaa ah khibrad iyo waayo aragnimo bandanna u leh degeenka iyo dawladaha hoose isla markaasna imminkaba ah maayarxigeenka Burco, iyadoo dhinaca kalen Taageerayaasha xisbiga kulmiye ka codsatay in iyada iyo murashaxiinta kale ee kulmiye ba la soo saaro si xisbiga iyo murashaxiintiisuba u guuleystaan.
Abwaan Hurre Walanwal oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa Bulshada reer Burco u soo jeediyey in ay doortaan dadka masuliyadda iyo xilkan hore u soo qabtay ee aanu jeebkoodu madhnayn waa sida uu hadalka u dhigaye, waxana uu shegay inaan nin shaqada iyo xilkan ku cusub la doran ee la doorto dadkii xulka ahaa ee hore uga soo shaqeeyey degmada isla markaasna ku hanweynaa imminka inay waxqabad iyo horumar baaxad leh ka qabtaan magaalada Balse wakhtigu ka soo gaadhay.
Murashax Axmed Cabdi fly oo isaguna munasibaddan ka hadlay ayaa Taageerayaasha xisbiga kulmiye iyo Dadweynaha kale ee Burco ba ka codsaday in mar kale la doorto, isagoo soo bandhigay waxyaabaha u qorsheysan haddii mar kale doorto ee uu qaban doono, waxa uu murashax axmed cabdi fly xusay in hawlo badan oo qaybo ah oo uu gacanta ku hayey ay jireen balse uu dhammaystiri doono haddii mar kale ay bulshada reer Burco codkooda ku taageeraan.
Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir aya isaguna munasibadda ka sheegay Guulo badan oo ay xukuumadda xisbiga kulmiye gaadhay muddadii koobnayd ee ay talada haysay, waxaanu xusay in horumar ballaadhan dalku sameeyey oo adeegyadii oo dhami kor u qaadmeen isagoo wasaarado badan ku ammaanay wax qabad badan oo ay gobolka ka geysteen , wasaaraddahaas oo ay ka mid yihiin wasaaradda Macdanta iyo biyaha, oo riigag aad u badan ka qoday Gobolka, wasaaradda Duulista Hawada oo Dhismihii madaarka gacanta ku haysa, wasaaradda Maaliyadda oo lacagtii Giinbarta ahayd ka bedeshay Gobolka iyo waxyaabo badan oo kale oo ay xukuumaddani qabatay, waxanu Dadweynaha ka codsaday in dadka wax qabanaya la doorto oo loo codeeyo, si dawlaha hoose iyo Dawladda dhexe isula jaanqaadaanna la soo saaro murashaxiinta deegaanka uga tartamaya xisbul xaakimka kulmiye.
Wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Somaliland oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey murashaxnimada axmed cabdi fly, waxa uu sheegay in Murashax axmed cabdi fly yahay shakhsi miisaan ku leh gobolka , isla markaasna ay ka turjumayso sida bulshadii reer burco aanay ugu kala hadhin ee ay xafladdiisa maanta u soo cammireen, isagoo dhinaca kale xusay in dhinaca xukuumaddana uu miisaan intan ka badan ku leeyahay , isla markaasna uu madaxweynuhu u soo diray weftigan wasiiradda ah ka qaybgalka munasibaddiisan uu ku soo bandhigayo murashaxnimadiisa.
Wasiirka Macdanta , Tamarta iyo Biyaha Xusen cabdi ducaale oo munasibadda soo xidhay ayaa in badan ka sheekeeyey Guulaha ay xukuumadda uu hogaamiyey madaxweyne siilaanyo ka gaadhay Dhinac walba, iyo horumarka baaxadda leh ee ay ka waddo dalka, waxanu sheegay in meel madhan oo aan waxba oolin uu ka soo bilaabay madaxweynahani, wasiirku wuxu intaas ku daray in haddii dawladaha hoose iyo dawladda dhexe ay wada noqdan xisbiga kulmiye horumarku laba jibaarmayo isla markaasna waxqabadka iyo hawlaha wakhtigan dhimani ay yihiih hawlihii dawladaha hoose,w axanu sheegay in ay degmo walba iyo gobol walba murashaxin xul ah ka so xuleen, isago dhinaca kale ka codsaday Bulshada reer Burco Rag iyo Dumar ba inay codka siiyaan Murashaxada keliya ee tarraxda murashixinta 21ka ah ee kulmiye uga sharaxan Burco.
Gebogabadii waxa madasha lagu soo bandhigay cayaaro iyo buraanburo lagu ammaanayey laguna taageerayey murashax axmed cabdi fly iyo xisbiga kulmiye, waana munasibaddii ugu qiimaha badnayd ee murashax ka mid ah murashaxiinta kulmiye ku soo bandhigo murashaxnimadiisa.
Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com